Warshad
From Wikipedia, the free encyclopedia
Warshad (Af-Ingiriis: Industry) waa waa dhismo wayn oo qalab wax lagu sameeyo iyo dad aqoon u leh ka shaqeeyaan, taas oo soo saarta alaab badan. Warshaduhu waa furaha koboca dhaqaalaha wadan ama qaarad.
Noocyada warshaduhu way kala duwan yihiin, kala wayn yihiin, kala shaqaale badan yihiin, oo waxsoosaar kala badan yihiin. Warshadihii ugu horeeyay dunida waxay ahaayeen warshadaha dhuxul dhagaxa iyo warshadaha birta, laakiin mudo ka dib, teknoolojiyada oo horumartey darteed waxaa samaysmay warshado badan, sida warshadaha gaadiidka, kuwa maacuunta, kuwa alaabaha elektarooniga iwm.
Ayadoo la tixraacayo alaabta eeys soo saarto ayaa warshadaha loo kala saari karaa noocyo badan, tusaale ahaan warshadaha dharka, warshadaha shidaalka, warshadaha kaluunka & kheyraadka biyaha, warshadaha elektarooniga, warshadaha softwarka, warshadaha cuntada, warshadaha waraaqaha, warshadaha madadaalada]] iwm.