From Wikipedia, the free encyclopedia
Filim (ingiriis: film ama movie) waa hiddo ee muuqaal-socde (motion pictures) la duubay ayadoo la isticmaalayo Kamera ama sawir-qabte. Filim waa sheeko habaysan oo loogu talo-galay daawasho lagana jiley taariikh ama dhacdo run ama khiyaali ah oo ku saabsan qof, dad, wadan IWM taas oo lagu soo koobay saacado dhowr ah gudahood looguna talo galay madadaalo ama wax-barsho.
Filimka qisadiisa oo ugu yaraan socota dhowr daqiiqo ( short films filimaanta gaaban) ilaa dhowr saacadood (Normal films ama filimaanta caadiga ah) ayaa u dhiganta sheeko sanado badan ama qarniyo ah.
Dunidan aan maanta ku nool nahay waxa jiro shirkado ama shaqsiyaad badan oo filimaanta sameeya haba kala qiimo iyo qaayo sareeyaanee. Kuwa ugu caansan eed taqaano waxaa ka mid ah dallada weeyn ee Hollywood oo Maraykanka laga leeyahay, dallada weeyn ee Bollywood ee Hindiya, iyo Nollywood oo ah shirkada ugu filim soo saarista badan dunida oo laga leeyahay wadanka Naayjeriya.
Sida runta ah, shirkadaha Mareeykanka ee la isku yidhaahdo Hollywood waxay soo saaraan qaar ka mid ah filimaanta ugu qaalisan dunida sidoo kale ugu tayada sareeya.
Filimaanta qaar sameeyntooda waxa ku baxa lacag aad u badan - qaarkood $200 miylan ayaa lagu sameeyaa. Aad ayay u kala duwantahay kharashka lagu sameeyo filim iyo kan uu soo saaro. Inkastoo filimaantu leeyihiin qeeybo iyo jufooyin loo kala saaro, waxa dhamaantood wadaagaan in wakhtiga ugu badan ee filimku ku xidhnaado hal qof (leading actor). Qofkaasi waa kan oogu mishaharka badan dhamaan jillayaasha filimka, waana qofka oogu shaqada badan wakhtiga la sameeynayo filimka.
Dhinaca kale waxa mishahar badan qaata jiheeyaha (director) oo ah ninka hoowsha dhan kala wada ee qof kasta u sheegaya kaalinta uu kaga jiro filimka.
Markaan ka hadleeyno kharashka lagu sameeyay, waxaa jira tiro badan oo filimaan ah oo kharash aad u badan ku baxo. Halkan waxaad ku arki qaar ka mid ah tobanka filim ee ugu qaalisan dunida waxa ka mid ah: The Pirates of the Caribbean - At World’s End (2006) iyo qeebtiisa kale ee Dead Man's Chest (2007) ayaa si wada jir ah loogu sameeyay lacag dhan $525 milyan taas oo ka dhigeeysa filimaanta kharshka ugu qaalisan lagu sameeyay, labadaas filim waxay soo saareen lacag ku dhow $2 bilyan.
King Kong (2005) ayaa ku jira tobanka ugu kharashka badan asaga ooy ku baxday $207 milyan, isla markaana soo saaray lacag dhan $550 milyan.
Dhinaca kale, markaan fiirino filimaanta soo saaray lacagta ugu badan ee aadka looga macaashay waxaa ka mid ah:
Avatar (2009) ayaa wuxu yahay filimka kali ah ee ugu qaalisan dunida asago lagu sameeyay $237 milyan isla markaana soo saaray $2.7 bilyan oo dollarka Maraynkanka. Waa macaash toban-laab ah.
Sidoo kale, filimka Titanic (1997) ayaa lagu tilmaama inuu ku jiro kaalinta 2aad ee filimaanta ugu macaashka badan dunida. Waxa lagu sameeyay $200 milyan waxaana lagu iibiyey lacag dhan $2.2 bilyan taas oo ka badan toban-jeer-laab macaash ah.
Inkastoo filimaantu leeyihiin qeeybo iyo jufooyin loo kala saaro,
Marka laga hadlayo madadaalada, Bulsho-weeynta Soomaaliya waxay caan ku tahay oo aad loo yaqaan [Ruwaayad]]aha kuwaas oo u dhigma filimaanta dunida inkastoo aanay duubneeyn.
Inkastoo sanadahan dambe la sameeyay filim Soomaali badan, waxa jira in badan oo la sameeyay wakhtiyo hore - qaarkood xoriyada dalka ka hor - waxaa ka mid ah:
(1926)
dicembre 1934) (1934) Visioni della Somalia italiana (1929)
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.