Galley
From Wikipedia, the free encyclopedia
Galleyda waa dhir iniin weyn ah, oo ay beeristeeda ay ugu horreeyeen dadyowga ku noolaan jirey Ameerikada Dhexe waayihii taariikh-ka-horaadka. Geedka galeydu wuxuu ka tirsan yahay qoyska cowska kaasi oo dhala midho firi ah. Galleyda waa dhirta sadexaad ee ugu muhiimsan waxa la beerto adduunka kaddib qamadiga iyo bariiska. Galleyda waa cunto nolol-maalmeedka dad farabadan oo dunida ku nool. Galleyda waxaa laga soo saaraa cunnooyin farabadan oo kala duwan (sida booshada) iyo saliid cuntada lagu bislaysto. Galleyda waxay ka baxdaa goobaha cimiladda dhexdhexaadka leh waxaana la beeraa xilliga gu'a.