Narso
From Wikipedia, the free encyclopedia
Narso (Af Ingiriis : bass drum; Af Carabi : arā) waa nooc ka mid ah durbaanka kaasi oo leh labo dhinac oo laga garaaco. Narsadu waxay kaga duwan tahay durbaanka waa qaabka ay u sameeysan tahay. Halka durbaanku inta ugu badan ka leeyahay hal dhinac oo laga garaaco si uu cod u sameeyo, narsadu waxay leedahay labo dhinac oo isku mar la garaaci karo. Sidoo kale narsadu waxay sameeysaa shanqadh ka fudud kan durmaanku sameeyo.
- Haku khaldin durbaan
Guud ahan narsadu waa nooc ka mid ah durbaanka, kaasi oo ah qalab ka samaysan alwaaxyo iyo harag la isku giijiyay kaasi oo la garaaco (tumo) si uu u sameeyo shanqadha cod muusig. Durbaanku wuxu ka mid yahay qalabka ugu da'da weyn ee dadku isticmaali jireen tan iyo horaantii ilbaxnimada.