![cover image](https://wikiwandv2-19431.kxcdn.com/_next/image?url=https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/d/db/800px-tropical_wet_forests.png/640px-800px-tropical_wet_forests.png&w=640&q=50)
Kaymaha roobka
From Wikipedia, the free encyclopedia
Kaymaha roobka (ingiriis: Rainforest Forest) waa keymo baaxad balaadhan leh oo geedo badan iyo cows badan leh, kuwaas oo si dabiici ah uga baxa meelo badan oo Koonfur Ameerika, Afrika, Aasiya iyo Ustaraaliya.
![Thumb image](http://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/d/db/800px-tropical_wet_forests.png/640px-800px-tropical_wet_forests.png)
Keymahan waxa Kaymaha roobka loogu bixiyey waa xadiga roob eey helaan oo aad u badan. Isku celcelis keymahan waxaa ku da'a roob qadarkiisu u dhexeeyo 250 sentimetre (98 in) ilaa 450 cm. Isku-celceliska heerkulka keeymahan waa 18 °C (64 °F) sanadka oo dhan.
Qaab-dhismeedka dhirta Keymahan oo ah geed caleen balaadhan ayaa waxay suurtogelisay in 28% Ogsajiinta hawadu ka timaado keymaha Rainforest. Sidoo kale, 40% daawooyinka dunida waxaa laga sameeyaa dhir ka timid keymahan.
Intaas waxaa dheer, waxa la aaminsan yahay in 45% ilaa 75% noolaha tirada yar eey ku nool yihiin keymahan. Sidoo kale, in ka badan malaayiin nooc oo dhir ah, xasharaad, cayayaan iyo mikrorganism ah ayay keymaha roobka hooy u tahay, kuwaas oo in badan wali dadku aqoon u lahayn.