Alex salool

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads

‎Xadaaradii Aduruxmiin iyo Xarbigii ganacsi ee Xiis Xarrago! ‎ ‎ ‎Ilma Salool, waxay ku dhasheen magaalada Cadan, aabbahood wuxuu ka tegey magaalada Xiis isagoo gaashaan-qaad ah. ‎Alex ama Lewis Clement Salool awoowyadii oo ahaa Ilma Salool ayaa qaatay diinta masixiyiinta. ‎ ‎ ‎waxa na colaad ganacsi dhex martay Chief Caaqil Xaaji Ducaale iyo jifida reer Caafi ee beesha Aduruxmiin oo lahayd ganacsato badan xoog na ugu xidhnayd dalalka Carabta iyo Yurub. ‎ ‎Maydiga, moxorka, malmalka iyo xabag cadaada ayay ka ganacsan jireen, waxay u badnaayeen wakiilo iyo turjumaano sidoo kale waxay ay doonyaha ku rari jireen geedka Dhamaska kaas oo ay qiimo wannaagsan ka siisan jireen carabtii xilligaas degannayd dalka Yemen oo dhismaha u adeegsan jirtay. ‎ ‎Cheif ka iyo ardaaga reer Caafi Waxa ugu weyn ee dagaalkoodu sal-dhig u ahaa slave trade-kii. Waxa laba sano lagu dhex jirey ganacsadihii haystay qandaraaska adoontii loo rari jirey dalalka Yurub ee Ciise Gallow iyo Chief ka, aakhirkii waxay ganacsigoodii ula gureen dalka Yemen, Sucuudiga iyo Yurub waxa na loo nisbeeyey sababta keentay geedigooda colaaddii ganacsi ee dhex martay iyaga iyo Chief Xaaji Ducaale oo isagu na lahaa beeraha ugu badan ee beeyada. ‎ ‎Beryihii ay guureen waxa hoos u dhac ku yimid magaaladii Xadaarada ee Xiis waxa na la dareemay gobolka Sanaag oo dhan in kaalin weyn oo ganacsi meeshii ka baxday. ‎ ‎Waxa gabyey nin Aduruxmiin ah isagoo markaa chief Caaqilka ku eedaynaya in uu isagu sabab u yahay waxa dhacay. ‎ ‎ ‎Haddaad caaqil tahay uunka waa laysu celiyaa e' ‎Reer Caafi ciil buu la tegey ceelka gaalada e' ‎Annagu na Allaa caadil ah ee cararay waa dhow e' ‎Adiga iyo cidluun baa isku hadhi ciida maxaseed. ‎ ‎Qoyskii reer Caafi, Ilma Mariano Cali, ilma Salool, ilma Joseph Giriig, ilma Jemmy Greeg, Shire Greeg iyo ilma Cali Class ilma Xadhigle, iyo reer Jiib-weyne " Jiib-weynayaashii Jiidali fadhiyi jirey jiibkooda heli maysid e' jaantooda Soo raac" ‎ ‎Waxay ahaayeen jilib ilbax ah, oo ku fiican labada kitaab ba "Diinta islaamka iyo millada masiixiyiinta" ‎badankoodu na xaggaas ayay ku dhasheen intooda badani waxay galeen diinta Kiristanka ilaa hadda na waxay ku dhaqan yihiin Dalal kala duwan. ‎ ‎ ‎Halgankii gobannimo-doonka soomaalida Ina Salool iyo inna' adeer labaad Michael Mariano waxa ay kaalin mug leh ku lahayeen taariikhdii labadii gobol ee lixdankii calanka qaatay. Alex Salool, si gaar ah waxa uu uga dhex muuqdaa dhismihii Ururkii dhallinyarada ee SYL, waxa na uu gaar isagu u lahaa allifaada astaamaha iyo calanla SYL. ‎

Remove ads
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads