Cabdiraxmaan Tuur

From Wikipedia, the free encyclopedia

Cabdiraxmaan Tuur
Remove ads


Madaxwaynahii uu horreeyey ee Somaliland kuna dhawaaqay gooni isu-taagga Jamhuuriyada Somaliland. Wuxu ahaa Siyaasi wayn, wuxu ka soo shaqeeyey dawladdhihii hore ee Soomaaliya, Wuxu soo qabtay xilal badan, Wuxu uu soo halgamey dib uu soo-celintii Somaliland. Wuxu walaal la ahaa Aabihii Waxbarashada Soomaaliya (Maxamuud Axmed Cali oo lo yaqaaney Father of Education Of Somalia).

Quick facts Abdirahman Ahmed Ali Tuur, Madaxwaynaha Somaliland ee 1aad ...

Dib kala soco Taariikhda Marxuumka, Madaxwaynahi sharaftalahaa C/raxmaan Tuur (Ahun)

C/Raxmaan (Tuur) Alle haw naraxariistee waxa uu ahaa nin fiican oo aan dada qadaf iyo gef toonna u geysan. Wuxu ahaa nin dhawrsan oo dadka dhegeysta oo inta erey ee uu yidhaa la tirin karay. C/Raxmaan waxa uu qabtay xilka Madaxweyne-ku-xigeenkii Dawladda Salbalaar ee uu madaxweynaha ka ahaaa Maxamed Faarax Caydiid (Ahun). C/Raxmaan tuur wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee somaliland. M.Wayne Tuur ololihii doorashada Daahir Riyaale ayuu kala qeyb galay si uu uga saaro meesha in ay qabiil uun ku koobnaato xilka madaxweynanimada Somaliland. C/Raxmaan (Tuur) wuxuu ahaa maskaxdii ka takhalustay dawladdii kali-taliska ahayd ee Moxamed Siyaad Barre, Wax uu ahaa nin maskax badan, isla markaana geesi ah Alle ha u naxariisto. Cabdiraxmaan (Tuur) waxa uu ahaa gudoomiyihii 5aad ee SNM, kaasoo ahaa hoggaamiyihii SNM isagoo muddo gaaban xilka Guddoomiyanimada SNM hayeyna suurtogaliyey in la burburiyo dawladdii kacaanka sheegan jirtay ee uu horboodayey askarigii Maxamed Siyaad Barre (Ahun). Qalinkii Cabdinajiib Baashe Maxamed oo Hargaysa ku suagn

MILICSIGA MAALMIHII CABDIRAXMAAN “TUUR”.. Waa Qalinkii Qoraaga weyn Muj.Boobe Yuusuf Ducaale oo Hargeysa ku sugan. - Qormaddii 3aad iyo 4aad. . Tuesday, November 18th, 2003

  1. Paquin, Jonathan (July 2010). A Stability-Seeking Power: U.S. Foreign Policy and Secessionist Conflicts. ISBN 9780773591028.
  2. "Archived copy". Archived from the original on 2018-06-23. Retrieved 2018-06-23.{{cite web}}: CS1 maint: archived copy as title (link)
  3. Somalilandsun.com. "Somaliland: A Tribute to Abdirahman Ahmed Ali "Tuur" Father of Re-independence". Archived from the original on 7 Bisha Labaad 2021. {{cite web}}: Check date values in: |archive-date= (help); Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
Remove ads
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads