Ciise
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Ciise oo reer Naasared ah wuxuu ahaa macallin iyo wacdiyiye reer Banii Israa’iil ah oo ku dhashay dhulka Falastiin qiyaastii laba kun oo sano ka hor. Waxaa guud ahaan lagu tiriyaa inuu noolaa bilowgii qarnigii koowaad miilaadiga, xilli uu dhulka Falastiin maamulayay Boqortooyadii Roomaanka.



Xogaha taariikhiga ah ee la helay, sida qoraallada Flavius Josephus iyo Tacitus, waxay muujinayaan in Ciise uu caan ku ahaa baridda caddaaladda, naxariista iyo akhlaaqda bulshada. Wuxuu dadka ku dhiirrigelin jiray in ay ka fogaadaan dulmiga, isla markaana uu xoojin jiray daryeelka dadka tabaalaysan.
Waxaa lagu tilmaamaa inuu lahaa koox raacsan oo loo yaqaanay xertiisii (hawariyiinta), kuwaas oo faafiyay fariintiisii kadib dhimashadiisa. Dadka daraaseeya taariikhda iyo diimaha waxay isku raacsan yihiin in Ciise lagu dilay ama la iskutubay xilligii maamulkii Roomaanka, in kasta oo faahfaahinta dhacdadaas ay ku kala duwan yihiin diimaha kala duwan.
Aragtida taariikhiga ah ee casriga ahi waxay Ciise u aragtaa shakhsiyad dhab ah oo taariikhda saameyn weyn ku yeeshay, gaar ahaan dhinacyada diinta, akhlaaqda iyo falsafadda. Fariintiisa iyo noloshiisa ayaa noqday saldhig muhiim u ah isbeddelladii fikradeed iyo diineed ee dunida ka dhacay qarniyadii xigay..

Remove ads
Islaamka, Ciise Ibnu Maryam waa nebi weyn oo ka mid ah rususha Alle. Qur’aanka Kariimka ayaa si cad u xusay magaciisa in ka badan 25 jeer, waxaana Alle ku tilmaamay inuu yahay Ereygiisa iyo Ruux ka yimid isaga.
Ciise wuxuu ku dhashay mucjiso, hooyadiis Maryama bintu Cimraanna waa haweenayda ugu sharfta badan dumarka adduunka. Qur’aanka wuxuu tilmaamay in Maryam uur yeelatay iyadoo aan lahayn sayg, arrintaasna lagu tilmaamay awoodda Alle ee wax walba sameeya. Suuradda 19aad ee Qur’aanka, Suuratu Maryam, ayaa magaceeda lagu magacaabay hooyadiis.
Nebi Ciise waxaa loo diray reer Banii Israa’iil si uu ugu yeero cibaado Alle keliya iyo inuu xaqiijiyo fariimihii nebiyada ka horeeyay. Waxaa lagu mannaystay mucjisooyin badan: wuxuu ku hadlay isagoo weli ilmo ah, wuxuu daweyn jiray indho la’ iyo cuduro kale, wuxuu noolayn jiray kuwii dhintay, dhanna ma uusan qabanin, dhammaan isagoo ku sameynayay idinka Alle.
Islaamku wuxuu diiday in Ciise yahay Ilaah ama wiilka Ilaah, balse wuxuu caddeeyay inuu yahay addoon iyo nebi Alle. Qur’aanku wuxuu sheegay in Ciise la ma dilin oo la ma iskutubin, balse Alle kor u qaaday, waana inuu mar dambe soo noqon doonaa dhulka kahor Qiyaamaha si uu u xaqiijiyo caddaaladda oo uu u burburiyo Dajjaalka.
Remove ads
Diinta Kiristaanka, Ciise Masiix waa xarunta iyo aasaaska rumaysadka. Kiristaanku waxay aaminsan yihiin inuu yahay Wiilka Ilaah, Ereyga Ilaah ee jidh noqday, oo leh labadaba dabeecad bini’aadmi iyo mid ilaahnimo.
Waxay rumaysan yihiin in uu ku dhashay mucjiso, hooyadiis Maryan-na ay uur yeelatay isagoo ay u timid Ruuxa Quduuska ah. Ciise wuxuu dadka baray jacayl, naxariis iyo dembi dhaaf. Wuxuu sameeyay mucjisooyin ay ka mid yihiin bogsiinta bukaanka, quudinta dadka saboolka ah iyo soo nooleynta kuwii dhintay.
Kiristaanku waxay aaminsan yihiin in Ciise la isku qodbay iskutub, uu dhintay iskutubka si uu dembiyada aadanaha u dhaafo, kadibna uu saddex maalmood kadib ka soo sara kacay. Sarakiciddiisa waxaa loo arkaa calaamad guul iyo badbaado ruuxeed.
Waxaa kale oo Kiristaanku rumeysan yihiin in Ciise markale soo laaban doono dhulka dhammaadka wakhtiga si uu u xukumo dadka oo uu xaqa u adkeeyo.
Remove ads
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads
