Dab

From Wikipedia, the free encyclopedia

Dab
Remove ads

Dab (Ingiriis: Fire) waa falgalka Ogsajiin iyo kimikooyin kale oo isqabsadey isla markaana bixinaya ololaya. Dabka waxaa keeni kara heerkulka oo sare u kaca iyo ileys aad u kulul.

Sidoo kale fiiri olol
Thumb
Dabka waxaa keeni kara heerkulka oo sare u kaca iyo ileys aad u kulul.

Ereyga Olol iyo Dab weey kala duwan yihiin. Ololku waa holac kooban, halka dabku yahay olol aad u badan.

Walxaha dabka bilaaba waxaa ka mid ah Kabriidka.

Thumb
Madaxa sare ee Taraqa waa barta biloowda ololka dabka.


Remove ads

Taariikhda Dabka

Thumb
Taraqa waxa la isticmaalaya in ka badan 1500 oo sano.

Sida taariikh-yahanadu sheegeen waxaa la isticmaali jirey tan iyo bilowgii ilbaxnimada bani-aadamka.

Noocyada Dabka

Dunida casriga ah maanta Waxaa jira noocyo badan oo dab ah kuwaasi oo loo isticmaalo siyaabo kala duwan.

Sidoo kale markaan ka hadleeyno dabka caadiga ah Waxaa loo qeeybin karaa dhowr nooc kuwaasi Waxaa ka mid ah:

  • Olol: waa holac ka baxa dabka kaasi oo ah gubashada ogaajiinta walaxda gubanaysa.
  • Dhimbiil: dhimbiiluhu waa biriq ka baxda dabka. Sidoo kale dhimbiishu waaxyo yaryar oo ka mid ah dabka shidmaya.
  • Dhamac: waa qeeybta markasta ugu kulul dabka, halkaasi oo la odhan karo waa bu'da iyo xudunta dabkaasi.
  • Huusho: huunshaha Waxaa loo yaqaanaa marka dabku soo qaboobo laakiin weli dambas noqon.
Remove ads

Isticmaalka Dabka

Dabku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dadku ugu horbarteen taasi oo la isticmaali jirey in ka badan 10 kun sano. Isticmaalka koowaad ee aadamaha ugu muhiimsanaa waa in dabka lagu diyaariyo cuntada, la iskaga difaaco bahalada iyo ugaadha iyo in iftiin laga helo wakhtiga dhulku madoowga yahay.

Faa'iidada & Khasaaraha Dabka

Dabku waa halis wuxuuna si fudud u burburiyaa wax badan. Ololka dabku waxaa caawisa hawada ogasajiinta wuxuuna si degdeg ah ugu fidaa agagaarkiisa taasi oo waxyeelo iyo khasaaro naf iyo maalba leh ku keeni karta dadka.

Qoraalo Kale

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads