Gabay bilicda dooy
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Waa gabay ka hadlaya degmooyinka, buuraha iyo beeraha Dooy qayb ka mid ah, waxaa tiriyey abwaan kulmiye 30kii septembar 2025kii, wuxuu yiri:
Baaley gabay indhoweyd ma tirin baydka maansada e
Bolli weyne igu deeqay inaan kala bayaanshaaye
Marse haddaan baabkeedi furo layga baqayaaye
Boqolkii lahaa dooy afariyo tobanka buuroode
Yaaqbaraawe buulo ooman iyo beledka diinsoore
Bu'aale arawow iyo aagyadii muuqa bilnaaye
Kuma buuxsan karo cadow aragga baarkiise
Intaan beledda kuu sheegay dooy bilicdiisii dheh
Waa hoygii lagu beeray nabad iyo barwaaqa dheh
Beeshii ilaahay makanayey beledyadoodii dheh
Afartaan baro kuu mariyey waa beleddadaydiiye.
Haddaan baydka sii wado ama ku baandheeyo
Boqollaal ka tagay haddaan kuu yare bayaansho
Buurmadowe qododiyo bohoraar naawaxeeda
Buundadii waraabowiyo tuurwaluun balligeede
Intaan beledda kuu sheegay dooy bilicdiisii dheh
Waa hoygii lagu beeray nabad iyo barwaaqa dheh
Beeshii ilaahay makanayey beledyadoodii dheh
Afartaan baro kuu mariyey waa beleddadaydiiye.
Haddaan baydka sii wado ama ku baandheeyo
Boqollaal ka tagay haddaan kuu yare bayaansho
Beledkii misirre kanaanax iyo buulo fulaay oode
Galgal biciid dugaroos iyo lama warood baashe
Aan kula baayacayn cadow beel ku soo duulay
Intaan beledda kuu sheegay dooy bilicdiisii dheh
Waa hoygii lagu beeray nabad iyo barwaaqa dheh
Beeshii ilaahay makanayey beledyadoodii dheh
Afartaan baro kuu mariyey waa beleddadaydiiye.
Haddaan baydka sii wado ama ku baandheeyo
Boqollaal ka tagay haddaan kuu yare bayaansho
Biilile cadaad gare agagaarka duuray iyo beeraha
Bisigley oonley ciiddii samayd ku wacan beerashada
Intaan beero kuu sheegay dooy bilicdiisii dheh
Waa hoyga lagu beeray nabad iyo barwaaqa dheh
Beeshii ilaahay makanayey beledyadoodii dheh
Afartaan baro kuu mariyey waa beerahaygiiye.
Haddaan baydka sii wado ama ku baandheeyo
Boqollaal ka tagay haddaan kuu yare bayaansho
Buurtii meel daaqa iyo muun quruxda buurshiidle
Bidhaantii qarsoona hayn ilaa docda baardheere
Buurihii ahaa goray god xigay bariga diinsoore
Intaan buuro kuu sheegay dooy bilicdiisii dheh
Waa hoygii lagu beeray nabad iyo barwaaqa dheh
Beeshii ilaahay makanayey beledyadoodii dheh
Afartaan baro kuu mariyey waa buurahaygiiye.
Beled iyo beeriyo maka tagay buuro iyo hawde
Balaan dabciyo gabayga intaan beeshu ila aadin
Dooy baa lehe quruxdan sow ilaah ma barakaynin.
Remove ads
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads