Galatasaray SK

From Wikipedia, the free encyclopedia

Galatasaray SK
Remove ads

Galatasaray SK waa koox-banooni oo ka dhisan magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga. Galatasaray SK waxaa la aasaasay sanadku markuu ahaa 1905, waxa ayna ku dheelaan garoon ay ayaga leeyihiin ee lagu magacaabo Türk Telekom Arena waxa uuna qaada garoonkaas in ka badan 52500 oo daawadayaal ah. kooxdani waa tan ugu guulaha iyo koobabka badan kooxaha kubadda ee dalka Turkiga. Galatasaray sidoo kale waxey ka mid tahay kooxaha ugu taageerayaasha badan dunida, ayadoo aduunka dacaladdiisa oo dhan ku leh taageeroyaal kor u dhaafaya ilaa 40 milyan oo qof.

Quick facts Waxaa la Assaasay, Naaneesaha ...
Türk Telekom Arena 4G
Remove ads

Tartanka Ka Dhexeeyo Galatasaray SK, Fenerbahce SK Iyo Beşiktaş JK

Derbiga Qaardaha Caalamka, (Kitalar Arasi Derbi); waa magaca ciyaar kasta oo dhexmarta Galatasaray S.K iyo Fenerbahce S.K. Labadan koox ayaa ah kuwa ugu guulaha badan islamarkaana loogu taageeridda badanyahay guud ahaan dalka Turkiga waxayna ka kala dhisanyihiin labada daamood ee magaalada Istanbul; Galatasaray waxay ka dhisantahay garoonka Turk Telekom Arena oo ku yaala daanta Yurub ee magaalada halka Fenerbahce ay ka dhisantahay garoonka Kadikoy Stadium ee ku yaal daanta Aasiya ee Istanbul.

Sida caadada ah ciyaar kasta oo dhex marta labadan koox waa mid xamaasad badan lagana daawado dunida dacaladeeda oo dhan sawaxanka, foorida iyo qoobka ciyaarka taageeroyaasha ayaa xiiso usii yeela ciyaaraha Galatasaray iyo Fenerbahce dhexmara. Kooxahaan tartankooda ayaa ka talaaba kubada cagta oo gudubba suuqa kala iibsiga ciyaartooyda, dhaqaalaha, taageeroyaasha iyo qaybo kale.

Sidoo kale waxaa jira koox seddexaad oo lagu magacaabo Besiktas J.K oo kooxahaan xifaaltan adag kala dhexeeyo ciyaaraha dhex marana aad loogu taxan yahay , Galatasaray, Fenerbahce iyo Besiktas waxaa la isku dhahaa seddexda waaweyn.

Remove ads

Tixraac

Eeg waliba

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads