Hijra

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads

Hijra waa safarkii ay muslimiin tiro yar ay ugu safreen magaalada Yathrib (madiina al munawarah) kadib dhibaato badan ay la kulmeen muslimiinta mido 13 sano ah, dhibaatooyinkaas oo ka imaanayay dhanka qabiilkii quraysh ayaa keentay in nebi Muxamad (NNKH) uu amro asxaabtiisa in ay u hijroodaan magaalada yathrib.

Hijra

Muslimiinta hijrootaya waxaa loo yaqaanay Muhaajiriin, Muslimiintii soo dhawaysay waxaa loo yaqaanay Ansaar.

Markii uu geeriyooday abuu dhaalib uu ahaa kii kaliya ee difaacayay rasuulka, qabiilki quraysh waxay 2ba jibaareen cadaadiskii ka dhanka ahaa muslimiinta, waxayna cunqabatayn saareen dadkii islaamay, wayna qaadaceen ganacsigooda, iyagoona xalaaleystay hantida muslimiinta, xitaa waxay ku dhiiradeen in ay dilaan nabiga oo 7 wiil oo ka tirsan qabiilada quraysh ayaa loo diyaariyey in ay mar qudha ku wada dhuftaan nabiga, balse ilaahay ayaa ka badbaadiyay.

Muhaajiriinta waxay ka qaxeen Makka iyagoo waxba sidan dharka ay xiran yihiin ma ahee, balse walaalahooda Ansaar ayaa sharfay, iyadoo ay u galeen waxa ugu wanaagsan ee qof loo galo.

Remove ads
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads