Honolulu, Hawaii
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Honolulu ( / nəˈluːluː/ or / nəˈluːluː/ ;[5][6] honoˈlulu) waa magaalo-madaxda iyo caasimada ugu shacabka badan ee gobolka Hawaii.[lower-alpha 1]
- Kani waa maqaal ku saabsan magaalo ku taala gasiirada Hawaii ee dalka Maraykanka. Degmada fiiri Degmada Honolulu
Sidoo kale, caasimadani waa fadhiga dowlada ee caasimada Honolulu ee Degmada Honolulu. Guud ahaan, gasiiradaha Hawaii waxay caan ku yihiin dalxiiska iyo tamashlaha, caasimada Honolulu oo ku taala jasiirada Owahu ayaa ah magaalada ugu weyn ee ugu horeeysa deegaan ahaan. Waxaa intaasi dheer, Caasimada Honolulu waa xarun Ciidanka Xooga dalka Maraykanka taasi ooy ku taalo Dekeda Pearl Harbour ee caanka ku ahayd duqayntii diyaaradaha ciidamada cirka ee wadanka Jabaan goortii lagu jirey Dagaalkii Labaad ee Aduunka. Deegaankani waa mid ka mid ah xarumaha milatari ee ugu wayn ciidamada Maraykanka, halkaasi ooy ku hayaan hub iyo ciidan aad u badan. Intaasi waxaa dheer, Caasimada Honolulu waa xarun ganacsi taasi oo kulmisa safarada galbeedka iyo bariga ee dhex mushaaxaya Badweynta Baasifik. Waxay ku caan baxdey soo dhawaynta, dalxiiska, hidaha iyo dhaqanka daka u dhashay Hawaii, cuntooyinka, madaalada, tumashada iyo tamashlaha.
Honolulu waa meesha ugu fog ee galbeedka iyo koonfurta qaarada Ameerika iyo caasimadaha Maraykanka. In kastoo sida caadiga ah loogu yeedho kaliya Honolulu ama naaneysaha kale, dowlada Maraykanku waxay u aqoonsan tahay "Caasimada Honolulu" si looga sooco dhamaan waxyaabaha kale ee la xidhiidha magaca.[8] Caasimada Honolulu waa gasiirado leh ganacsi xoogan oo ku dhex yaala Badweynta Baasifik.
Bulshada ku dhaqan Caasimada iyo Degmada Honolulu gabi ahaan waa 390,738 qof (sida dowlada dhexe Maraykanku sheegtay tirokoob ay sameeysay sanadkii 2010ka),[9] halka shacabka marka lagu daro nawaaxigeeda ay noqoneyso ilaa 953,207.
Ereyga Honolulu micnahiisu waa "hooyga dekeda"[10] ama "dekeda degan" (calm port).[11] Inta la ogyahay waxaa lagu sheegaa magaca magaaladan inuu ka soo jeedo qabiilka Kou, ee deegaanka ku dhaqan.[12] Caasimada Honolulu waxay magaalo-madax u ahayd gasiiradaha Hawaii tan ilaa 1845kii goortaasi oo lagu soo daray maamulka wadanka Maraykanka.
Remove ads
- Caasimada Honolulu
- Farasmagaalaka Honolulu
- Dab ka kacay xaafad ka mid ah caasimada
- Muuqaal hawada sare ee caasimada
- Farasmagaalka Honolulu
- Magaalo madaxda Hawaii
- Muuqaal magaalada Honolulu
Remove ads
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads