Jirid

From Wikipedia, the free encyclopedia

Jirid
Remove ads

Jirid (ingiriis: Trunk ama Stem) waa tiirka geedka ku haya dhulka isla markaana caleemaha kor u qaada si eey ileyska qoraxda u helaan. Sidoo kale, Jiridu waxay u qaabilsan tahay ineey kala safriso biyaha iyo nafaqada xididadu ka soo nuugaan carada; isla markaana gaadhsiiso cuntada qaybaha kala duwan ee geedka.

Jirid

Thumb
Jiridu waa tiirka geedka ku haya dhulka.

Jirida waxaa ku dhex jira tuunbooyin kala gudbiya cuntada, biyaha iyo macdanta geedku u baahan yahay. Tuunbooyinkan waxaa ku dahaadhan qolof adag oo ka samaysan unugyo dhintey, kuwaas oo ka difaaca xanuunada, kulka, qabowga, xasharaadka iyo waxyeelada kale.

Geedaha qaar malaha jirid adag oo kor u taagan, laakiin waxay leeyihiin maqaar ku dahaaran jidhka tuunbooyinka biyaha, cuntada iyo macdanta u kala gudbiya qeybaha geedahaas.

Thumb
Gobol ka mid ah jirida oo muujineysa koritaanka goobooyinka 27 sano koritaankeeda.

Maqaarka sare ee adag, waxaa ku xiga xadhko yaryar oo loo yaqaano Maydhax (xylem), kuwaas oo ayaguna ka cuntada, biyaha iyo nafaqada kale gaadhsiiya unugyada jirida.


Remove ads
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads