Las Vegas

From Wikipedia, the free encyclopedia

Las Vegas
Remove ads

Las Fegas, Las Vegas, / ˈvɡəs/ (locally, also pronounced as / ˈvɛɡɨs/ ) sida dowliga ah lagu magacaabo Caasimada Las Fegas, ama loo soo faabiyo Fegas waa caasimad ku taala gobolka Nevada ee wadanka Maraykanka. Waa magaalada ugu dadka badan gobolka Nevada, fadhiga dowlada degmada Kalark, iyo caasimada rasmiga ah ee Dooxada Las Fegas.[5] Caasimada Las Fegas waxay caan ku tahay oo caalamka dhan looga yaqaanaa ineey tahay hooyga khamaarka, adeega, cuntada, nolosha habeenkii, tumashada, tamashlaha iyo dalxiiska. Magaaladani waa xarunta ganacsiga iyo dhaqanka ee Koonfurta Nevada.

Thumb
Dadkii ugu horeeyay ee deegaanka ku ahaa agagaarka caasimada Las Fegas
Kani waa maqaal ku saabsan magaalada Las Feegas, Nevada, Maraykanka. Qoraalo kale fiiri Las Fegas.
Quick Facts Wadanka, Gobol ...

Caasimada Las Fegas waxay ku faantaa ineey tahay hooyga madadaalada caalamka ayada oo caan ku ah xarumaha lagu khamaaro ee loo yaqaano "Casino", huteelada raaxada iyo noocyada kala duwan ee madadaalada. Intaas waxaa dheer in Las Fegas tahay magaalada 29aad ee ugu shacabka badan wadanka Maraykanka, waxayna leedahay tiro dad ah oo dhan 603,488 (sida lagu ogaaday tiro koobtii 2013kii).[6] Marka lagu daro deegaanada hoosyimaada Las Fegas Metropolitan waxa ku dhaqan dad gaadhaya 2,027,828.[4]

Thumb
Khamaarka iyo nightclubyada caanka ku tahay Las Fegas

Caasimada Las Fegas waa mid ka mid ah sadexda magaalo ee hogaaminaya ganacsiga, dhaqaalaha, madadaalada, dalxiiska, kulanada iyo teknoolojiyada wadanka Maraykanka.[7] Intaasi waxaa dheer, caasimadan iyo nawaaxigeeda waxaa lagu amaanaa oo dhowr jeer abaal marin lagu siiyay hoteelada ugu heerka sareeya caalamka, soo dhowaynta iyo marti-gelinta.[8][9][10][11]

Caasimada Las Fegas waxaa la aasaasay sanadkii 1905tii waxaana caasimad ahaan loo magacaabay 1911kii. Magaaladani waa mid ka mid ah caasimadaha ugu da'da yar wadanka Maraykanka ee la dhisay qarnigii 19aad. Guud ahan Las Fegas waa xarun ku caan ah filimaanta, barnaamijyada telefishanka, heesaha iyo khamaarka.

Deegaanka magaaladani wuxuu dhacaa bartamaha lamadegaanka ugu weyn gobolka Nevada.[12][13]

Remove ads

Dadka Ku Dhaqan

More information Bulshada Las Fegas ...

Muuqaalka Las Fegas

Magaalooyinka Maraykanka


More information Magaalooyinka Maraykanka ...


More information Gobolada Maraykanka ...
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads