Magacle
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
MAGACLE MOOBLEEN
Aftirsi:
Magacle Moobleen Cismaan Dalandoole waa beyl Katirsan beesha Moobleen kana sii wada tirsamayaan beel weynta Mudulood Hiraab, Moobleen cismaan waxa la dhashay 3 wiil oo kala ah, Ilaawaay, wacdaan iyo Cali abgeel, Marka laga soo tago wiilasha la dhashay Moobleen waxaa uu dhalay isaga laba wiil oo laka yiraahdo, Magacle oo loo badinayo in uu yahay curudka iyo Abidig.
Magacle waxaa uu dhalay seddex wiil oo lakala dhaho Yabar magacle, Xayaale Magacle iyo Cool magacle.
Yabar magacle waxaa uu usii kala baxaa labo lafood Cabdalle Yabar iyo Carable Yabar, sidaa si la mid ahna labada magacle kale Cool iyo Xayaale waxay iyana usii kala baxaan reero badan oo aan hada xogteeda aanan heyin,
Si guud:
Yabar ama Cool ama Xayaale, -Magacle Moobleen Cismaan Dalandoole Mudulood Hiraab Daame gorgaate Hawiye Irirsamaale
Taariikh:
Reer Magacle Moobleen waa ehel nabadeed degan shabeelooyinka dalka soomaliya, Jubooyinka, iyo qeybo kamid ah bariga soomaaliya, reerkan waxaa aad loogu yaqaan tacbashada beeraha iyo dhaqashada xoolaha sida geela iyo lo'da iyo ariga, Kamana marnee waa ganacsato ka ganacsada abuurka dalka laga dhoofiyo iyo kan dalka gudihiisa lagu isticmaalo,
waxaa sidoo kale aad loogu xusaa in ay yihiin dad leh qab oo ay sina u qaadan isliidida iyo yasmada waxaa la weriyaa in Moobleenku sidiisa guudba uu ahaa reer aad u badan lehna xadaarad ka duwan kuwa hadeer jira oo ah in ay ahaayeen dad aan ogoleen in ay wax is weydiistaan haba yaraatee raashiin, biyo, baad iyo badar midna is ma aysan weydiisan jirin qof walbaa waxaa uu isticmaali jiray intii uu beertay ee uu meel dhigtay hadii uu sanadkaa wax tacbana faan uu ka faanayo in uu hebelow wax isii yiraah ayuu gaajo u dhiman jiray ruuxa Moobleenka ah ee waqtigaa joogay inkastoo aynaan aheyn dhaqan wanaagsan balse waxaan ka arki kareynaa halkaa in ay ahaayeen dad qab leh.
Dagaalada Beesha Magacle ay gashay waxaa ugu caansan oo ilaa hadeer la xusaa, Jihaadkii difaaca dalka ay la galeen xabashidii Ay soomaali oo dhan usoo taag weysay sanadadii 1900-1905 waxaana aad loo xusaa wiilashii Moobleen oo isugu jiray Magacle iyo Abidig oo mid ah ay jilbaha u aasteen dagaalkaa oo ay nafta ag dhigeen waxaan la sheegaa in 75K oo qof ay kaga dhimatey Moobleen Cismaan markii ay arkeen awooda iyo tirada ay cadowgu wataan waxa ay caawino weydiisteen beelaha la degan beesha balse cidna uma aysan soo bixin waxa ay beeshu ku kala jabtay in ay sii wado dagaalka ilaa ruuxa ugu danbeeya uu ka dhinto iyo in la joojiyo oo dib u gurasho ay sameyaan lakiin waxaa xoog batay fikirka ah in aan la is dhiibin meeshaana waxaa ku burburay beesha qaab dhismeedkeedii maadaama ragu kala fikir duwanaaday waxa lakala qaaday jihooyin kala duwan Laakiin waxaa dagaalka ku adkeeystay qaar kamida ah Magaclaha, Sida Yabar Magacle iyo kuwa kale oo badanba.
Iyo dagaalo kale oo badan balse aanan lagu faanin waayo waxa uu dhexmaray waa walaalo isla dhashay, sida Dagaalkii Abgaal Daaud iyo Moobleen, Murusade iyo Moobleen oo ay ku baxday Maah maahda ah Kacii murusade iyo kala haadkii moobleen isna waxaa uu ahaa dagaaladii kala sii fogeeyay beeshan waayo iyaga toos umu quseen waxay danaano u galeen mataan cabdulle oo Abgaal ah ayna abti u yihiin Moobleenku.
Gabo gabo:
Beeshan Magacle iyo si guudba Moobleenku waa dad lagu yaqaan goaanka dagaalka iyo asteeynta nabada mana aysan gelin weligood dagaal aynan ku guuleysan ugu danbeyskii sida aan taariikhaha aan ku hayo sheegayaan, ma aha micnaheedu in anaay weligodba laga guuleysan balse waxa ay astaan u tahay nabadoon nimadooda iyo sidii ay ugu duub naayeen in ay nabadeeyaan beelaha ay walaalaha yihiin.
Maalmahan la joogo Beesha waxaa ka jira is qabqabsiyo siyaasadeed kadib markii ay dowladii KMG aheyd siisay hal xildhibaan basle ma aha in lagu yareeyay oo beeshu waa laf ka tirsan beesha Mudulood oo ugu xildhibaano badan Soomaaliya markii la dhaho Beyl, waxaana aad ugu loo lama Yabar Magacle iyo Tolweyne Abidig
Dadkii ugu caansanaa:
- Adan Cali Xasan Jamuuriya
- Eng Jaamac Xuseen Xaashi
- Dr Cabdiraxiin Muxumed Ibraahim Mudey
- Col. Axmed Cali xasan Jamuuriya
-Col. Nuur Muudeey
- Gaashaanle sare. Maxamed Ibraahim Eebow
- T. Maxamuud Cali Yuusuf
-Taliye. Cali Mahdi Cabdi
-T. Cabdiraxmaan Cali
Afeef:
waxa halkani ku qorani waa taariikh aan qorneyn balse lagu kala gudbiyay af sidii aan u dhigay mooyee waxaad u maqli kartaa si ka duwan.
Remove ads
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads