Faxfax (cunto)

From Wikipedia, the free encyclopedia

Faxfax (cunto)
Remove ads

Faxfax (Af Ingiriis : soup; Af Carabi : ar) waa dareere ka mid ah cuntada dadka taasi oo ka samaysan biyo, khudaar, midho, hilib, xawaash iyo noocyo kale oo geedo ah. Faxfaxu waa cunto la diyaariyo, waxa sida badan laga sameeyaa iskudarka biyo, khudaar (barandho, basal, tamaandho, kaabaj, toonta iwm), hilib (sida hilibka xoolaha, digaaga iyo kaluunka), xawaash iyo noocyo kale oo midho iyo khudaar ah. Faxfaxa waxaa lagu kariyaa dheri ama digsi si loo helo dhadhan fiican wuxuu qaataa xoogaa wakhti ah.

Kani waa maqaal ku saabsan maraqa. Haku khaldin suugada.
Halkan waxaa laga soo toosiyay boga "faxfax"
Quick Facts Nooca, La soo bandhigay ...

Sida caadiga ah, faxfaxa waxaa loo qeybiyaa labo nooc: faxfax fudud ama maraq fudud; iyo faxfax culus ama maraq culus. Maraqa fudud waa mid ka sameeysan biyo iyo xoogaa yar oo khudaar ah, isla markaana qaata wakhti aad u kooban. Halka maraqa culus ka sameeysan yahay hilib, khudaar badan iyo xawaash kala duwan.[1]

Maraqa kaligiis waa la cabi karaa, sidoo kale waxaa lagu darsadaa cuntada. Marar badan waxaa lagu cunaa rootida, canjeeroda, sabaayada iyo noocyada kale ee cuntada ah.[2]

Remove ads

Muuqaalka

Qoraalo La Xidhiidha


Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads