New Zealand

From Wikipedia, the free encyclopedia

New Zealandmap
Remove ads

Niyuusiilaand Dalka New Zealand waxa uu kamid yahay wadamda Oceana waxana uu dhinaca koonfur galbeed kaga beeganyahay dalka Ustareliya. Dalka New Zealand waxa uu ka koobanyahay laba jasiiradood oo waaweyn. Caasimada dalka New Zealand waxa layidhaa Wellington. Bedka uu ku fadhiyo dalka New Zealand waxa lagu qiyaasaa 103,737.93, oo (mayl laba jibaaran una dhiganta 268,680.00, oo (mayl laba jibaaran). Dalka New Zealand waxa uu dhul ahaan le’eg yahay bedka uu ku fadhiyo gobolka (Colorado) ee dalka Maraykanka. Dadka reer New Zealand waxa ay kor u dhaafaan (227,436) ruux, waana tirakoobkii dadka ku dhaqan jasiiradaha New Zealand laga qaaday sanadkii 2010-kii. Dadka reer New Zealand ee sanadka 2050-ka waxa lagu wadaa in ay noqon doonaan 4.8 milyan oo ruux. Luuqadaha lagaga hadlo jamhuuriyadaha New Zealand waxa kamid ah luuqada Ingiriisiga (English) oo ah luuqada koowaad ee dalka iyo luuqada Maori.

Quick Facts Magaalada uguwayn, Luqadaha rasmiga ah ...

Remove ads

Xubin

Dadka aqoota leh ee dalka New Zealand waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 99%. Diimaha ay kala haystaan dadka reer New Zealand waxa kamid ah diinta Anglican oo ay haystaan boqolkiiba 24%, diinta Presbyterian-ka waxa hasyta boqolkiiba 18%, diinta Roman Catholic waxa haysta boqolkiiba 15%, diinta Methodist boqolkiiba 5%, Baptist boqolkiiba 2%, Protestant boqolkiiba 3%, dadka aan diimahooda la garanayn iyo dadka bilaa diinta ah waxa iyagan tiradoodu gaadhaa boqolkiiba 33%. Ragga reer New Zealand waxa cimrigoodu gaadhaa 75-sano, halka dumarka reer New Zealand ka gaadhaan 81-sano. Qaab dhismeedka Dawladda New Zealand ama habka ay u shaqaysaa waa nidaamka Barlamaaniga ah (Government Type parliamentary democracy).

Thumb
Mapa generala
Thumb
Cuunto New zealand dadka
Thumb
Cuunto new zealand dadka


Warshadaha dalka waxa lagu farsameeyaa: cuntooyinka, looxa, waraaqaha, dunta, mashiinada, qalabka isgaadhsiinta, baanaka iyo insurance, macadam qodashada iyo dalxiiska. Beeraha dalkana wax laga beeraa dalayo ay kamid yihiin Qamadiga, Heeda, Baradhada iyo khudaarta; waxa kale oo dalka ka jirta dhaqasahda xoolaha oo uu ugu horeeyo Adhigu. dunta dhogorta Adhiga laga sameeyo iyo Lo’da oo caanaheeda laga ganacsado. Kaluunkuna waa mid kamid ah waxsoo saarka dalka New Zealand. Dhulka la isticmaalo ee Dalka New Zealand waxa lagu qiyaaasaa boqolkiiba 9%. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka New Zealand waxa kamid ah gaaska dabiiciga ah (natural gas), iron ore, caro furfuran, dhuxul dhagaxda, geedka timber-ka, awooda biyaha laga dhaliyo ee (hydropower), dahabka iyo macdano kale.
























































































Remove ads

Sido kale fiiri

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads