Tigris

From Wikipedia, the free encyclopedia

Tigrismap
Remove ads

Tigris waa wabi dhererkiisu yahay 1,850 km kaas oo ka soo bilaabma buuraha Taurus ee bariga wadanka Turkiga; qiyaastii 25 km koonfurbari magaalada Elazig, iyo 30 km ka hor meesha uu ka soo bilaabmo webiga Furaat.

Tigris

Quick facts Webiga Tigris, Wadanada ...

Wabiga Tigris oo ka soo bilaabma harada Hazar ee ku dhextaala buuraha Taurus ayaa 400 km soo dhex mara dalka Turkiga, ka dib 44 km dhex mara wadanka Suuriya una sii gudba wadanka Ciraaq oo uu kula midoobo wabiga Furaat meel u dhow magaalada Basra.

Webiga Tigris iyo webiga Furaat waxay mid ka yihiin deegaanada loo yaqaano Mesobotaamiya oo ah meeshii ay ilbaxnimada aadamuhu ka bilaabantey.

Si guud loogu aqoonsaday ineey tahay meeshii ilbaxnimadu ka bilaabantay - wakhtigii Bronzeka - Mesobotaamiya waxaa ka dhex bilaabmay boqortooyooyin aad u badan oo kuwa ugu caansanaa ee deegaano badan gaadhay ka mid yihiin: boqortooyadii Baabiyloon, boqortooyadii Akkadiyaanka, boqortooyadii Asiyriyaanka, iyo boqortooyadii Sumeeriyaanka; kuwaas oo dhamaantood laga helo maanta wadanka Ciraaq, meelo yaryar oo ka mid ah waqooyibari wadanka Siiriya, xoogaa yar oo koonfurbari dalka Turkiga iyo meelo ka mid ah koonfurgalbeed dalalka Iiraan iyo Kuwayt.[1][2]

Qorniinka Quduuska ah waxay inoo sheegaan inay webiyada la yiraahdo Yufraad iyo Tigris (Xiddeqel) ay ka yimaaddeen Ceeden. Beerta Ceeden waxaa loo maleeyaa inay ku taallay meel maanta ah bariga Turki. Runtii, beerta Ceeden adduunka bay ku taallay.

Thumb
Webiga Tigris ee dhex mara magaalada Mosul ee dalka Ciraaq.
Remove ads

Qoraalo La Mid Ah

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads