Xisbiga UDUB

From Wikipedia, the free encyclopedia

Xisbiga UDUB
Remove ads

Ururka Dimuqraadiga Ummadda Bahawday (Af Soomaali : United Peoples' Democratic Party, UDUB) wuxuu ahaa xisbi siyaasadeed ka howlgali jirey dalka Somaliland, oo ah dowlad jamhuuriyad aanu weli caalamku aqoonsan isla markaana hoostegta wadanka Soomaaliya.[1] Xisbiga UDUB wuxuu ka mid ahaan xisbiyadii ugu horeeyay ee ka sameysma maamulka Somaliland, waxaana aasaaskiisa lahaa madaxweynihii hore Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal sanadkii 2001.[2] Si kastaba ha ahaatee, Xisbiga UDUB wuxuu burburay dhamaadkii 2010ka wakhtigaasi oo xubnihiisii ku kala biireen xisbiyo kale.

Quick facts Ururka Dimuqraadiga Ummadda BahawdayUnited Peoples' Democratic Party, Founder ...
Remove ads

Faallo

UDUB waa xisbi siyaasadeed oo kajira somaliland.

Liiska Xisbiyada Siyaasada

Tan iyo wakhtigii dadka Soomaalidu qaateen xoriyada waxaa jiray xisbiyo siyaasadeed. Sanadkii 1969kii ayaa waxaa talada wadanka la wareegay Golaha Sare Kacaanka (SRC) kuwaasi oo dhowr nooc oo xisbiyo ah soo bandhigay; sida Xisbigii Kacaanka Hantiwadaaga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa wadanka Soomaaliya ugu horeeyay Xisbiga SYL, kuwaasi oo ahaa xisbigii la dagaalamay gumaystihii wadanka.[3]

Markii Jaale Siyaad Barre la wareegay talada wadanka, waxaa meesha ka baxday dhamaan xisbiyadii bulshada ee madaxa banaanaa, wakhtigaasi oo wadanka Soomaaliya iskubedelay nidaamka shuuciyada[4] ee laga keenay wadanka Ruushka iyo Shiinaha. Ka dib, markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee wadanka sanadkii 1991kii ayaa waxaa meesha ka baxday dhamaanba nidaamkii dowladnimo ee wadanka Soomaaliya.[5] Si kastaba ha ahaatee, dadaalo badan oo dawlad dhisid ah ka dib waxaa Soomaaliya dib uga soo noolaaday nidaamka xisbiyada kuwaasi oo ilaa maanta daciif ah.[6]

Remove ads

Sidoo kale eeg

Maqaalo kale

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads