Inqilaabkii 1969-kii
From Wikipedia, the free encyclopedia
Inqilaabkii 1969-kii wuxuu ahaa afgembis 21-kii bishii Oktoobar ee sanadkaa lagu riday dowladdii rayidka ee Soomaaliya. Ciidamadan afgembiyay dowladda, oo la baxay Golaha Sare ee Kacaanka, uuna hoggaaminayay Maxammad Siyaad Barre, waxay iyagoo taangiyo iyo gaadiidyo dagaal isticmaalaya, la wareegeen barihii doorka ahaa ee magaalada Muqdisho, rideenna dowladdii uu kusimaha madaxweyne ka ahaa Sheekh Mukhtaar Maxammad Xusseen, uuna ra’iisul wasaareheedu ahaa Maxammad Xaaji Ibraahim Cigaal. Afgembiskan militari waa kan taliska dalka gacanta u geliyay keligii taliyihii Siyaad Barre iyo maamulkiisii madaxtakoorka ahaa ee ka jiray dalka illaa 1991-dii.[1]
Sababo marka loo raadinayo waxyaabaha iridda u furay inqilaabkan, waxyaabaha inta badan farta lagu fiiqo waa musuqmaasuqii siyaasadeed ee doorashadii baarlamaanka ee dhacday bishii Maarso 1969-kii, qalbijabka shacabku ka qalbijabay in hannaanka dimoqraadiga ahi uu horumarin karo noloshooda, iyo tartankii Dagaalkii Qaboobaa ee Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeetiga ay ku tartamayeen kasbashada dalalka badnaa ee madaxbannaanida qaatay wixii ka dambeeyay Dagaalkii Labaad ee adduunka.[2] Si kastaba, afgembiskanu wuxuu Soomaaliya illaa 1977-dii ka dhigay tu hoosjoogta Midowgii Sofiyeetiga. Afgembiskanu wuxuu ahaa kii koowaad ee hirgala ee ka dhacay dalka Soomaaliya.
Inqilaabkii 1969-kii | |||||||
---|---|---|---|---|---|---|---|
Part of Dagaalkii qaboobaa | |||||||
Iclaankii inqilaabka ee Golaha Sare ee Kacaanka | |||||||
| |||||||
Belligerents | |||||||
Jamhuuriyadda Soomaaliya | Golaha Sare ee Kacaanka | ||||||
Commanders and leaders | |||||||
Sheekh Mukhtaar Maxammad Xusseen Maxammad Cigaal |
Maxammad Siyaad Barre Jaamac Cali Qorsheel Salaad Gabeyre Kediye Maxammad Caynaanshe Guleed |