RPG (gantaal)
Hub laga rido gantaalka / From Wikipedia, the free encyclopedia
RPG ama Saban sida soomaalidu u taqaanno (Af Ingiriis : Rocket-propelled grenade) oo ah gantaal garabka laga rido, waa lidka Taangiyada iyo gaadiidka cadowga, waa qori afka loo galiyo Gumac weyn oo bambo ka samaysan taasoo leh baalal ay ku duusho, gumacaas qarxaya ayaa wata qayb dambe oo qarxiso ah oo gadaasha dambee qoriga ka baxda markii gumaco baxo, Qoriga ayaa laga ridi karaa intii loo baahdo oo baalooto, halka qaar hal mar kaliya laga rido iyagoo u baahan xilli ay ku qaboobaan.[1]