Afakadho
Nooc ka mid ah dhirta / From Wikipedia, the free encyclopedia
Afokadho (Af Ingiriis : avocado; Af Carabi : arā) magaca Saynis "Persea americana" waa geed asal ku ah wadanka Meksiko iyo Bartamaha Ameerika,[2] kaasi oo ka tirsan dhirta ubaxleyda ah nooca loo yaqaano "Laurakeae". Midhaha afakaadhuhu wuxuu leeyahay hilib cagaaran iyo laf weyn dhexda ugu jirta.[3]
- Kani waa maqaal ku saabsan midhaha afakadho.
- Boga "avocado" halkan ayaa laga soo toosiyay
Afakadho | |
---|---|
Midhaha afakaadhaha | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Plantae |
(darajo la'aan): | Angiosperm |
(darajo la'aan): | Magnoliid |
Dirka: | Laurales |
Bahka: | Lauraceae |
Duulka: | Persea |
Noocyada: | P. americana |
Magaca laba-geesoodka ah | |
Persea americana Philip Miller | |
Eray la mid ah | |
|
Geedka afakaadhuhu waa mid aad ugu fiican ganacsiga waxaana laga beeraa deegaanada leh cimilo diiran ee caalamka oo dhan. Maqaarka sare ee midhaah afakaadhuhu waa cagaar madoow xiga, wuxuuna leeyahay qaabka wareegsan oo aad ugu dhow sida ukunta oo kale ah. Midhaha waxaa inta ugu badan laga soo guraa geedka afakaadhaha ayagoo ceyriin ah, waxayna ku bislaadaan meheradaha lagu gado.
Guud ahaan, midhaha afakaadhuhu waa mid leh nafaqo badan oo jidhka dadku u baahan yahay. Waxa midhaha afakaadhahu caan ku yahay duxda aan ahayn mid xayawaan ee loo yaqaano "pro-saturated fats". Faa'iidooyinka afakaadhaha waxa ka mid ah fiitamiino, fiber, borotiin iyo dux.