![cover image](https://wikiwandv2-19431.kxcdn.com/_next/image?url=https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/f/f7/Rashidun_Caliph_Ali_ibn_Abi_Talib_-_%25D8%25B9%25D9%2584%25D9%258A_%25D8%25A8%25D9%2586_%25D8%25A3%25D8%25A8%25D9%258A_%25D8%25B7%25D8%25A7%25D9%2584%25D8%25A8.svg/langso-640px-Rashidun_Caliph_Ali_ibn_Abi_Talib_-_%25D8%25B9%25D9%2584%25D9%258A_%25D8%25A8%25D9%2586_%25D8%25A3%25D8%25A8%25D9%258A_%25D8%25B7%25D8%25A7%25D9%2584%25D8%25A8.svg.png&w=640&q=50)
Cali
From Wikipedia, the free encyclopedia
Cali bin Abii Daalib (ingiriis: Alī ibn Abī Tālib; carabi: ﻋﻠﻲ ﺑﻦ ﺃﺑﻲ ﻃﺎﻟﺐ; magaca dhamaystiran Cali ibn Abi Daalib "ﻋﻠﻲ ﺑﻦ ﺃﺑﻲ ﻃﺎﻟﺐ") dhashay 13kii Rajab 22 H.K Sebtembar 20, 601 Makka dhulka jasirada carabta, isla markaana dhintey 21kii Ramadaān 40 H.K ≈ Janaayo 27, 661 C.D Kuufa, Ciraaq, wuxuu ahaa ina adeerka iyo wiilka sodoga u yahay Nabi Muxamed, hogaamiyihii shanaad ee Dawladda Islaamka, asxaabi ka mid ah Kulafo Raashidiinta iyo mid ka mid ah asxaabta rasuulka.[1][2]
Khulafo Raashidiin |
Wakhtiga Hogaanka: 8 Juune 632 – 23 Ogosto 634 (27 bilood) Wakhtiga Hogaanka: 23 Ogosto 634 C.D – 03 Nofember 644 C.D Wakhtiga Hogaanka: 644 C.D ilaa 656 C.D Wakhtiga Hogaanka: 656 C.D ilaa 661 C.D |
Dhamaan Khulafada
Khulafo Raashidiin (632-661) Khulafadii Umawiyiinta (661-750) Khulafadii Cabaasiyiinta (750-1258) Khulafadii Cusmaaniyiinta (1517-1924) |
Cali waa kan ugu horeeyay ee da'dyarta ka mid ah oo qaata diinta islaamka, Ahlu sunaha agtooda waa Khaliifkii Afaraad ee Khulafo al-Raashidiinta; sidoo kale dadka raacsan Shiicada waxay u aqoonsan yihiin Imaamkii kowaad iyo kan xaqa u leh ee ku xiga Nebi Muxamed.
Cali wuxuu la wareegay khilaafada ka dib markii Cusmaan bin Cafaan la dilay 35H/656, wuxuuna haayay ilaa 40H/661, mudadii uu xilka haayay waxey ku sifeesneyd xasilooni la'aan, fitnadii ka dhalatay dilka khaliifka sadexaad Cusmaan bin Cafaan ayaa umada kala qeybisay waxaana dhacay dagaalo u dhaxeeya muslimiinta dhexdooda.