Cimraan
From Wikipedia, the free encyclopedia
Cimraan Camraan Reer Cimraan (ingiriis: Amram, ʻAmrām, "Amran"; carabi: ﻋﻤﺮﺍﻥ, loo qoro: īmran, "Imran", loogu dhawaaqo: "Cimraan", sidoo kale: ﺁﻝ ﻋﻤﺮﺍﻥ, "Aalu Cimraan", "Qoyskii reer Cimraan"; Luuqada Tiberiyaanka: ʻAmrām; loogu dhawaaqo: "Camram"; Hebrew: עַמְרָם, loogu dhawaaqo "Amarami", Hebrewga cusub: Amram)[1] (macnaha ereyga Cimraan waa saaxiibkii kan ugu sareeya[2] iyo qofkii aadka u sareeyay) waa aabaha Nebi Muuse, Nebi Haaruun iyo walaashood Miryama iyo seeyga ama odayga qaba Jojebed (Jochebed).[3] Cimraan waxaa meelo badan Ilaahay (s.w) kaga xusay kitaabka Quraanka kariimka ah ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed.[4] Intaasi waxaa dheer, waxaa jirta suurad ka mid ah Quraanka oo loogu magac daray "reer Cimraan" waa Suuratul Al Cimraan (ﺁﻝ ﻋﻤﺮﺍﻥ).[5] Dhinaca kale, diinta Masiixiyada ee kitaabka Injiil ee Alle u soo waxyooday Nebi Ciise iyo qoraalo kale oo Giriig[6] iyo Laatiin ah waxay sheegeen in Cimraan aabihiis ahaa ninka lagu magacaabo Sebtuwajinti (Septuagint) kaasi oo ahaa nin sharaf iyo qadarin balaadhan ku dhex lahaa qoomkiisa iyo dadkii uu la noolaa wakhtigaasi.[7]
Cimraan
Si kastaba ha ahaatee, kitaabka Quraanka dhexdiisa Cimraan waxaa lagu xusay labo nooc oo kala ah:
- Camraan ama Cimran oo lagu sheegay in uu ahaa aabaha Nebi Muuse, Nebi Haaruun iyo walaashood Miryama iyo seeyga ama odayga qaba Jojebed (Jochebed).
- Marka labaad waxaa Cimraan lagu xusay inuu ahaa aabaha Maryama hooyoda Nebi Ciise, taasi oo lagu magaaco Maryama bintu Cimraan, waloow aanu Cimraan ahayn aabaha saxda ah ee Maryama, laakiin uu yahay oday ay ku abtirsato qoftaasi.[8]
Ilaahay (koreeye) wuxuu kitaabka Quraanka ku yidhi:
- “Ilaahay wuxuu doortay Aadam iyo Nuux, iyo qooyska Ibraahim, iyo qooyska Cimraan, kuwaasi oo uu ka kor mariyay dadka.”
- —Qur'aan, suurada 3aad (Suuratul Al Cimraan (ﺁﻝ ﻋﻤﺮﺍﻥ) "Qoyskii Cimraan"),