Kaban
From Wikipedia, the free encyclopedia
Kaban, Cuud (Af Ingiriis : oud; Af Carabi : arā) waa qalab ka samaysay alwaax iyo xodhko kaasi oo sameeya shanqad muusig ah. Kabanka Waxaa loo isticmaala in lagu qurxiyo heesaha.
- Kani waa maqaal ku saabsan kabanka. Sidoo kale fiiri Gitaar.
Quick Facts Magac kale, Nooca ...
Magac kale | Cuud |
---|---|
Nooca |
|
Asalka | Bariga Dhexe |
Maanta laga isticmaalo |
|
La xidhiidha | |
Close
Kabanka laga isticmaalo dhulka Soomaalida waa mid u sameeysan qaabka ubada (leh madax wareegsan iyo dabo dhuuban), wuxuuna inta u badan leeyahay 10 xadhig midaasi oo ka duwan gitaarka. Sidoo kale wuxuu leeyahay ugu yaraan labo dalool (qaarkood ilaa afar dalool) kuwaasi oo codka iyo shanqadhu ka soo baxdo.
Kabanka wuxuu caan ka yahay Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika, inkasto laga isticmaalo dhamaan caalamka. Intaas Waxaa dheer, heesaha kabanka kali ah lagu qaado Waxaa loo yaqaanaa qaaci waana heeso degan oo naftu ku raaxaysato.