Kayseri
From Wikipedia, the free encyclopedia
Kayseri (Af Turki : Kàȳçari; Af Carabi : ar; Ku dhawaaqa Af-Turki: [ˈkajseɾi]
; mararka qaar loo yaqaano Qayseri) waa magaalo ku taalo bartamaha wadanka Turkiga waana caasimadda gobolka Kayseri, waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu waaweyn dalkaasi islamarkaana ugu hormarsan haday noqoto dhaqaale, warshaddo, waxbarasho iyo waliba xagga dalxiiska oo ay Kayseri caanku tahay gaar ahaan booqashoyinka dhaqanka iyo arimaha taariikhiga ah.
Quick Facts Wadanka, Deegaanka ...
Kayseri | |
---|---|
Magaalada Kayseri | |
Kor kasoo bilow: Garoonka Kubadda Cagta ee Kadir Has, Bidix Dhexe Qaybta 2aad: Jidka Sivas, Midig Dhexe Qaybta 2aad: Taalada Atatürk iyo Darbiga Qadiimiga ah ee Kayseri, Dhexda Qaybta 3aad: Faras Magaalaha Kayseri iyo Darjiinaha Oto, Bidix Hoose: Qalcadda Kayseri, Midig Hoose: Tram-yada Kayseray ee Magaalada u kala goosha. | |
Wadanka | Turkey |
Deegaanka | Bartamaha Anatooliya |
Gobolka | Kayseri |
La helay | 3000 C.H (5024 sano) |
Ismaamulka | 1515 (508 sano) |
Degmooyinka | : Hacılar, İncesu, Kocasinan, Melikgazi |
Dowlada | |
• Gudoomiyaha Gobolka | Süleyman Kamçı |
• Duqa Magaalada | Mustafa Çelik (AKP) |
Joogga | 1,050 m (3,440 ft) |
Tirada dadka (2014)[1] | |
• Magaalada Kayseri | 1,061,942 |
• Metro | 1,322,376 |
Aag saacadeed | UTC+2 (EET) |
• Xagaa (DST) | UTC+3 (EEST) |
Boostada | 38x xx |
Furaha | (+90) 352 |
Licence plate | 38 |
Website | www.kayseri.bel.tr www.kayseri.gov.tr |
Close
Kayseri waxaa mara wabiga Zamanti, sidoo kale waxaa ku taal buurta Erciyes oo ah buur-barafeed dalxiisayaashu aad u jecelyihiin. waana magaalada uu kasoo jeedo madaxweynahii hore ee Turkiga mudane Abdullahi Gul.