Makaroone
From Wikipedia, the free encyclopedia
Makaroone (Af Ingiriis : macaroni; Af Carabi : ar; loogu dhawaaqo: / kəˈroʊni/ ) waa nooc ka mid ah baastada qalalan kaasi oo leh qaab dhuuban oo wareegsan isla markaana gaaban. Sidoo kale, makaroonahu waa cunto[1] diyaar ah oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka Talyaaniga, taasi oo la aaminsan yahay in lagu isticmaali jirey ila sanadkii 1154.[2] Makaroonaha waxaa laga sameeyaa midhaha firileyda ah oo la ridqay (burburiyay) ka dib lagu qasay jiis (cheese) iyo biyo. Makaroonuhu wuxuu kaga duwan yahay noocyada kale ee baastada waxaa ka mid ah dhererka, iyo waxyaabaha laga sameeyo.
- Kani waa maqaal ku saabsan nooc ka mid ah cuntada. Boga "baasto makarone" halkan ayaan laga toosiyay
Makaroonaha, meelaha qaar looga yaqaano Baasto gaagaab, waa cunto ka mid ah raashinka dadku isticmaalaan maalin kasta, gaar ahaan waxaa baastada la isticmaalaa cashada iyo qadada. Sidoo kale, waxaa jira noocyo badan oo baasto ah, taasi oo leh midabo kala duwan, dhadhan iyo nafaqo kala duwan. Farqiga baastada waxaa keeni kara midhaha iyo waxyaabaha laga sameeyay.