Nashfile, Tennessee
From Wikipedia, the free encyclopedia
Nashfille (ingiriis: Nashville; carabi: ناشفيل) waa magaalo-madaxda gobolka Tennessee iyo fadhiga dowlada Degmada Davidson ee wadanka Maraykanka.[5] Nashfille waa caasimada labaad ee ugu wayn gobolka Tennessee, waxaa ka weyn kaliya Caasimada Memfis, sidoo kale waa caasimada afaraad ee ugu weyn uguna bulshada badan deegaanada gobolka Koonfureed ee wadanka Maraykanka.
- Kani waa maqaal ku saabsan magaalada Nashville, Tennessee, Maraykanka.
Nashfille, Tennessee | |
---|---|
Deegaanka Dowlada Nashfille iyo Degmada Davidson | |
Ka soo biloow kor ilaa bidix: Avenue Labaad, Kirkland Hall ee Jaamacada Vanderbilt, Xarunta Parthenon, dhismaha dhaadheer Nashville, Istaadiyaamka Nissan Stadium, Tiyaatarka Dolly Parton, iyo xarunta Ryman Auditorium | |
Nickname(s): Caasimada Suugaanta, Athenstii Koonfurta | |
Meesha kaga taalo wadanka Maraykanka | |
Wadanka | Maraykanka |
Gobol | Tennessee |
Degmo | Degmada Davidson |
La helay | 1779 |
Dowlad Hoose | 1806 |
Named for | Francis Nash |
Dowlada | |
• Duqa-magaalada | Freddie O'Connell (Xisbiga Dimuqraadiga) |
Area | 525.94 sq mi (1,362.2 km2) |
• Land | 504.03 sq mi (1,305.4 km2) |
• Water | 21.91 sq mi (56.7 km2) |
Joogga | 597 ft (182 m) |
Tirada dadka | |
• Caasimad iyo Degmo isku xidhan | 659,042 |
• Cufnaanta dadka | 1,300/sq mi (480/km2) |
• Metro | 1,757,912 |
• Isku dheelitirka | 634,464 |
Magac kale | Nashvillian |
Aag saacadeed | UTC-6 (CST) |
• Xagaa (DST) | UTC-5 (CDT) |
ZIP codes | 37201-37250 |
Furaha | Area kodes 615 iyo 629 |
Wadooyinka Interstates | I-40, I-24, I-65, I-440 |
Biyoley | Webiga Kumberland |
Gaadiidka Bulshada | Nashville MTA |
Tareenka Deegaanka | Xarunta Xidigaha Suugaanta |
Website | www.nashville.gov |
Caasimada Nashfile waxay dhacdaa dhinaca Webiga Kumberland ee badhtamaha waqooyiga gobolka Tennessee. Waxay magaaladani caan ku tahay heesaha, suugaanta, fanka, caafimaadka, bankiyada, daabacaada buugaagta, isgaadhsiinta gaadiidka, wax soo saarka wershadaha, waana hooyga dugsiyo aad u waaweyn iyo jaamacado aad looga qadariyo wadanka Maraykanka iyo caalamka. Marka la eego meesha ay kaga taalo dowlada wadanka, Nashfille waa hooyga Maxkamada ugu sareeysa ee Tennessee iyo Maxkamada Guud ee wadanka. waxayna magaaladu caan ku tahay suugaanta, taasi oo lagu magacaabo "Warshada Suugaanta iyo Heesaha".
Tan iyo 1963dii, Caasimada Nashfille waxay ahayd maamul dowlo caasimad iyo degmo isku xidhan, taasi ooy soo hoosgasho lix dowlad-hoose oo u kala baxa labo waaxood. Shan iyo sodon ka mid ah afartanka xubnood ee laga soo doorto degmooyinka waxay ka yimaadaan Nashville. Ayadoo la tixraacayo tirokoob ay sameeyeen Ururka Bulshada Maraykanka waxaa degan iskutega caasimada iyo degmada Nashfille bulsho tiradeed dhan tahay 659,042. Sidoo kale, tirokoob la sameeyay 2013kii dadka degan Caasimada Nashfille iyo nawaaxigeeda ama metropolitanka waxay noqdeen 1,757,912 taasi oo ka dhigeysa Nashville Metropolitan mida ugu weyn ee ugu dadka badan gobolka Tennessee.[6]