magaalo Falastiin From Wikipedia, the free encyclopedia
Qudus waa Qudus waa magaalo ay ku muransan yihiin Israa’iil iyo Falastiin. Qudus waa caasimadda ay wada sheeganayaan Falastiiniyiinta iyo Yahuudda, waana qibladii qadiimiga ahayd ee Muslimiinta iyo sidoo kale magaalada ugu barakeysan ee Yahuudda iyo Nasaarada. Qudus wax'a ku yaala Bayt al Aqsa ama Bayt al-Maqdis oo ah qibladda Labaadka ee Islaamka. Qudus waa magaalo aad u taariikh dheer. Magaalada Qudus waxey u kala qeybsantahay labo qeybood., qeyb waxey magaalamadax u tahay dadka Falastiinyiinta ah, qeyb neh dadka Yahuuda ah. Sanadkii 1949-kii ayay yuhuuddu ku dhawaaqday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil, waxaana ay u rareen inta badan wasaaradaha dowladda iyo xarumaha dowladda oo ay ka dhiseen qeybta ay ku leeyihiin magaalada Qudus, balse inta badan caalamka ma aqoonsana.
Waxaa jira dhismayaal kale oo badan oo xurmo leh oo ku yaal xukunkiisa marka laga reebo Masjid-e-Aqsa iyo Qubat-ul-Sakhra. Hadda magaaladan waxay martigelisaa meelaha ugu diinta iyo barakeysan ee Yuhuudda, Masiixiyiinta iyo Muslimiinta.
Xilliga Masjidka AlAksa lagu ogeysiinayo warbaahinta muuqaalka, ma muujineyso sawirka Masjidka Al-Aqsa. Waxay muujinaysaa sawirka Dome of the Rock halkii Al Aqsa.
1027 C.H. Dhisiddii macbudka Yeruusaalem baa la dhammeeyay, 607 C.H. Baabbiʼi Yeruusaalem. Bilowgii maxaabiisnimadii Baabuloon, 537 C.H. Yuhuudi Yeruusaalem bay ku soo noqdeen, 455 C.H. Yeruusaalem derbiyadeeda dib baa loo dhisay. 69 toddobaad oo sanadood baa bilaabmay, 70 C.D. Rooma Yeruusaalem iyo macbudkeeda bay baabbiʼiyeen.[1]
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.