Sacad bin Abii Waqaas
From Wikipedia, the free encyclopedia
Sacad Bin Abii Waqaas R.C (Af-Carabi: سعد بن أبي وقاص) Wuxuu ka mid ahaa asxaabtii ugu horeesay ee islaamta. Waana mid ka mid ah 10-kii Jannada loogu bishaareeyey[1], wuxuu ka soo jeeday reer abtiga Nabi Muxamad Scw. Sacad waxa uu noqday qofkii ugu horeeyay ee dar Alla gamuun ku gantay, Nabiga scw ayaa ku lahaa «Gan. aabhay iyo hooyadeey ayaa kugu furtee» waxa uuna kala qeyb galay Nabiga scw dhamaan dagaalada ooy ka mid yihiin Dagaaladii Badar iyo Uxud iyo Furashadii Makka.
Maqaalkaan waxaa lagu balaarin karaa qoraal laga tarjumay maqaal u dhigma oo ku qoran Arabic. (April 2019) Riix [fiiri] tilmaamaha tarjumaadka.
|
Sacad bin Abii Waqaas سعد إبن أبي وقاس | |
---|---|
Dhashay | Qarnigii 595 Mecca, Carabta |
Dhintay | Qarnigii 674 Medina, Carabta |
U daacada | Rashidun Caliphate |
Ka howl gala/Qaybta | Ciidanka Rashidun |
Sanadaha shaqada | 636–644 |
Darajeda | Commander Gudoomiyaha Ctesiphon (637–638) Gudoomiyaha Busra (638–644), (645–646) |
Xilli amarkiisa | Rashidun qabsashadii Boqortooyadii Faarsiga |
Dagaalo/Dagaalo | Template:Unbulletedlist |
khaliifka labaad Cumar bin Khadaab ayaa u dhiibay hogaamnta ciidamada ku duulayay Boqortooyada Faaris, asiga oona ku jabiyay Dagaalkii Qaadisiya, waxa uuna furtay Madaa'in caasimadii uu furus oo ku yaalayn qasriyada Kisraa, Cumar markii uu dhimanaayay waxa uu la dardaarmay 6da shuurada oo Sacad ka mid ahaa,
Sacad waxa uu noqday gudoomiyaha Kuufa xiliyadii Cumar iyo Cusmaan, markii ay fitnada dhacday oo Cusmaan la dilay Sacad wuu isaga fogaaday, wuxuu degay Waadi Caqiiq oo Madiina xoogaa u jira, halkaas ayuuna ku dhintay 55H , Madiina ayaana lagu duugay, Sacad wuxuu ahaa Muhaajiriinta qofkii ugu dambeeyay ee dhinta [2]