Yalho
From Wikipedia, the free encyclopedia
Yalho, ama Yahlo waa Magaalo ku taal gobolka Bari Puntland Soomaaliya, waxay 50 kilometres (31 mi) ka xigtaa dhanka koonfureed magaalada Boosaaso. Waa Irridda keliya ee gaadiid dhuleed ka soo geli karo Magaalada Boosaaso, waxaa la asaasay qarnigii 16-aad, Waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu qadiimisan dalka Soomaaliya[1]. Yalho waa mid ka mid ah magaalooyinka laga helo Xijjiga waxa kale oo magaaladu leedahay khayraadyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Dahabka,beeraha oo ay aad qani ugu tahay biyo ilo ah oo durduraya Shidaalka iyo Macdanta[2]. Waxaa ku fariisin ciidan oo muhiim u ah hubinta waxaayba gelaya gudaha magaalada Boosaaso.