Bacaad weyne

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads

Bacaadweyne waa magaalo ku taal degmada Bacadweyne ee gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya, waa magaalo qadiimi ah oo ku caan baxday barashada diinta Islaamka, ganacsiga iyo soo saarista milixda. Cusbada dabiiciga ah ee ka soo baxda degmada Bacadweyne ayaa lagu iibiyaa guud ahaan Soomaaliya iyo Itoobiya Waxa kale oo jira dhulal barwaaqo ah oo ku yaala qaar ka mid ah magaalooyinka ay maamusho dawlada hoose ee Bacaadweyne. Goobahaas cagaarka ah waxaa ka faa'iideysta beeraley, xoolo-dhaqato iyo geel-jire. Geela Bacadweyne ayaa muddo labaatan sano ka badan loo soo daabulay Sucuudiga, iyadoo la sii marinayo Shirkadaha Indho-deero.

Quick facts Bacadweyne, Wadanka ...

March 12, 2024, Maleeshiyada Al Shabaab ayaa Bacaadweyne kala wareegay ciidamada dowladda hoose, kadib markii ay isaga baxeen magaalada maalin ka hor Dowladda hoose ee Bacadweyne ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Mudug.

Remove ads

Horumarka

Bacadweyne si joogto ah ayuu u horumarayaa. Magaalada Bacadweyne waxay leedahay dugsi dhexe, dugsi sare, 16 machad oo lagu xifdiyo quraanka kariimka ah, saldhig boolis iyo xabsi.

Waxaa socda dhismo lagu dhameystirayo bartamaha magaalada, Isbitaalka deegaanka Bacadweyne, iyo Machadka Farsamada ee Bacaadweyne. Garoonkii Bacadweyne waa la dhameeyay oo wuu shaqaynayaa.

Tixraac

"Al-Shabaab oo dib u qabsadey Bacaadweyn iyo Camaara"

"Maxay sababta ka danbeysa in ciidanka xoogga ay ka soo baxaan furimaha dagaalka ee Galmudug?"

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads