Bangaladhesh
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Bangaladhesh (Bengali: বাংলাদেশ; Af Carabi : ar) sida dowliga ah loo yaqaano Jamhuuriyadda shacabka Bangaladhesh waa wadan ku yaalo Koonfurta Aasiya. wadanka markiisa hore waxaa ladhihi jiray Baribakistaan waxii kahoreeyay 1971. wadanka waxoo xuduud la leeyahay, wadanka Hindiya oo ka xigta galbeedka,waqooyiga iyo bariga, wadanka Burma waxoo ka xigaa bariga, koonfuta neh waxaa ka xiga Badweynta Hindiya.


Bangladhesh waxa ay xoriyada ka qaadatay dalka Bakistaan sanadku markuu aha 1971, ka dib dagaal dheer oo ay wadeen kooxda goolwadayaasha Bangladhesh.
Bangladhesh waa wadan dhaqaale ahaan aad u liita waxaa jira dadyoow ka soo jeeda wadankan oo ku firdhamay aduunka. Dalka Jamhuuriyada Bangladhesh waxa uu kamid yahay dalalka ku yaala qaarada Asiya waxana uu xuduud la wadaaga dalalka ay kamid yihiin Hindiya, Burma iyo Nabal. Dhinaca koonfureedna waxa uu xuuduud kala wadaaga Badwaynta Hindiya. Waana mid kamid ah wadamada la yidhaa koonfur bari Asiya.Caasimadda dalka Bangladhesh waxa la yidhaa Dhaka.
Remove ads
Bedda
Dhulka uu ku fadhiyo dalka Bangaladhesh waa 55,598.71 oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta 144,000.00 oo (kiilimirir laba jibaaran). Bangaladhesh waxa uu ku dhowyahay bedka gobolka (Wisconsin) ee dalka Maraykanka.
Dadka
Dadka reer Bangaladhesh waxa ay tiradoodu kor u dhaafataa 163-milyan oo ruux, waana tirakbookii laqaaday sanadkii 2017-kii.
Afka
Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa ugu horeysa luuqada maxaliga ah ee Bangla waxana soo raacda luuqada ingiiska oo ah afka dalkii gacanta ku hayay Bangaladhesh xiligii gumaysiga. Diinta:Diimaha laga aaminsan yahay gudaha dalka Bangaladhesh waxa ugu badan dadka haysta diinta Islaamka oo gaadhaya 83%, halka diinta Hinduugu ay dadka haystaa gaadhaan boqolkiiba 16%, dadka soo hadhayna waxa ay hasytaan diimo kale. Cimriga: Rajada nolosha ee dadka ku dhaqan dalka Bangaladhesh ayaa waxa ay celcilis ahaan gaadhaan 60-sano oo ragg iyo dumarba ah.
Dawlada
Dawladda dalka Bangaladhesh waa dowlad Baarlamaani ah (parliamentary democracy). Lacagta: Lacagta laga isticmaalo dalka waxa la yidhaa taka (Tk).
Warshadaha
Dalka Jamhuuriyada Bangaladhesh waxa uu hodan ku yahay warshadaha waxana kamid ah waxayaabaha ay soo saaraan warshadadaha ku yaal Bangaladhesh, dharka, waraaqaaha, sonkorta, cudbiga, sibidhka, laydhka iyo qayb kamid ah Technolig-yada.
Magaloka



beeraha waxa si balaadhan looga beeraa midho badan oo uu ugu horeeyo geedka caanka ka ah qaarada Eshiya ee Bariiska. Waxa kale oo ka baxa beeraha dalka Bangaladhesh Shaaha, Qamadiga, Sonkor- khaanka, Tubaakada, khudrada, iyo saliida.
Xoolaha
waxa laga dhaqdaa dalka Bangaladhesh xoolo kala duwan waxana jira goobo lagu xaananeeyo digaaga. Dhulka la istimcaalo ee dalka Bangaladhesh waa boqolkiiba 73% kamid ah cabirka guud ee dalka.
Khayraadka
Khayraadka dabiiciga ah ee Bangaladhesh Gaaska dabiiciga ah, Geedka timber-ka iyo dhuxul dhagaxda.
Xubinka Tahay
- IMF*`
- Bankiga Aduunka* *
- Qaramada Midoobay* *`
Daadka Degaan Bangladesh
Pakistan 3000+
Jordan 200+
Saudi Arabia 100+
Australia 200+
Sido kale fiiri
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads