Boland
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Boland ama Bolska (Af Bolish : Polska) ama Jamhuuriyadda Bolska (Af Bolish : Rzeczpospolita Polska) waa wadan ku yaalo bartamaha Yurub.
Dalka jamhuuriyada Boland. Dalka Poland waxa uu kamid yahay wadamada qaarada yurub gaar ahaan kuwa dhaca badhtamaha. Dalalka la jaarka ah dalka Boland waxa kamid ah jarmalka (Jarmal, Yukrayn, Belarus, Islofaakiya, Jamhuuriyadda Tashik U bood: gooshitaan, raadi , Ruushka (Russia) iyo Lithuaniya. Dhinca waqooyi galbeedna waxa kaga talaa bada Baltic-ga (Baltic Sea). Caasimada dalka Boland waxa layidhaa Warsaw.
Remove ads
Bedka
Bedka uu ku fadhiyo dalka jamhuuriyada Boland waxa lagu qiyaasaa 120,728.35, (mayl laba jibaaran) una dhiganta 312,679.00, oo (kiiloo mitir laba jibaaran). Qiyaas ahaan baaxada dalka Boland waxa ay ku dhowdahay bedka uu ku fadhiyo gobolka ( New Mexico) ee dalka Maraykanka.
Dadka
Dadka ku dhaqan dalka Boland waxa ay tiradoodu ka badantahay 38-milyan oo ruux, waana tirakoobkii la qaaday sanadkii 2014-ki. Sidoo kale saadaasha dadka reer Boland ee sanadka 2050-ka waxa lagu wadaa in ay hoos ugu dhici doonto 33-milyan oo ruux, taas oo ka yar tiradii 2010-kii ee dadka Boland 5-milyan oo ruux.
Afka
Luuqada lagaga hadlo dala Boland waa luuqada maxaliga ah ee Polish-ka ama sidow luuyaqana Afka-Boland. Aqoonta: Dadka aqoonta leh ee u dhashay dalka Boland waxa ay gaadhaan boqolkiiba 99.0%.
Diinta
diimaha ay kala haystaan dadka reer Boland waxa kamid ah diinta kiristiaanka gaar ahaan mad-habta Kaniisadda Roma ee katholiga oo ay haystaan dad gaadhaya boqolkiiba 95% oo boqolkiiba 75% ka mid ahi ay ku dhaqan yihiin dhica bari ee dalka mad-habta Orthodox iyo Protestant-ka oo lagu daray diimaha kale ee dadka tiro yari haystaan waxa dadka haystaa dhanyihiin boqolkiiba 5%. Markhaatiyaasha Yehowah boqolkiiba 0,3%.
Remove ads
Cimriga
Ragga reer Boland waxa da’doodu gaadhaa 69-sano, halka dumarka Polish-ka ah ay da’doodu ka gaadho 77-sano.
Dawladda
Dawladda dalka Boland waxa ay u shaqaysaa nidaamka jamhuuriga ah (Government Type republic).
Lacagta
Lacagta dalka Boland wax la yidhaa zloty (Zl).
Warshadaha
Warshadaha dalka waxa lagu farasameeyaa alaab ay kamid yihiin mashiinada dhismaha, dhuxul dhagaxda, kiimikooyinka, dhismaha maraakiibta, cunto diyaarinta, birta, quraarada, sharaabka iyo dunta.
Beeraha
Beeraha Jamhuuriyada Boland waxa laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin khudaarta kala duwan Qamadiga, baradhada iyo midhaha.
Xoolaha
Dadka bolish-ka ee u dhashay Jamhuuriyada wxa ay dhaqdaan khaansiirka iyo digaaga. Dhulka la adeegsado ee dalka Boland waa boqolkiiba 47%. Khayraadka: Khayraadka dabiicia ah ee dalka waxa kamid ah macdanaha dhuxul dhagaxda, gaaska dabiiciga ah (natural gas), sulfur, copper, qalin, lead, iyo cusbada.


Remove ads
Sido Kale fiiri
Xogta
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads