Far

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads

Far (Af Ingiriis : finger; Af Carabi : لاسعانود) (wadar ahaan faro), waa xubno ka tirsan gacanta dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Sida caadiga ah dadku waxay leeyihiin 20 farood, kuwaasi oo ku kala yaala labada gacmood iyo labada lugood. Gacan kasta iyo lug kasta waxay leeyihiin shan farood oo iskugu jira: Suul, fardheero (murdiso), fardhexo, faraantigalis (farta faadumo), iyo faryaro.

Quick facts
Remove ads

Faraha Gacmaha

Suul

Thumb
suul

Suul (Af Ingiriis : thumb; Af Carabi : لاسعانود) waa xubin ka mid ah faraha shanta ah ee ku yaala gacmaha iyo lugaha dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Suulku waa farta koowaad ee shanta farood. Sidoo kale, suulku waa farta ugu awooda badan ee ugu dhumucda iyo qarada weyn dhamaan faraha.

Fardheero

Thumb
murdiso ama murugsato

Farta Murdiso (Af Ingiriis : index finger; Af Carabi : لاسعانود) sidoo kale loo yaqaano "Fardheer" iyo "Murugsato", waa farta labaad ee ka mid ah shanta farood ee dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Sidoo kale waa farta u dhexaysa suulka iyo fardhexada.

Fardhexo

Thumb
fardhexo

Fardhexo (Af Carabi : لاسعانود; Af Ingiriis : middle finger) waa farta sadexaad ee gacanta dadka. Fartani waxay u dhexaysaa murdisada (murugsato) iyo farta faadumo (faraanti galis), sida badan waa farta ugu dheer faraha.

Fartaan iyo suulka markii la isku cadaadiyo ka dibna la sii daayo waxaa ka dhasha dhawaq dheer, oo loo adeegsado soo jeedin ama baraarujinta cid loo dan leeyahay taasi oo loo yaqaano Suuldhabaale (en: snapping).[1]

Faraantigelis

Thumb
faraanti galils

Farta faraanti galis (Af Carabi : لاسعانود; Af Ingiriis : ring finger) (sidoo kale loo yaqaano farta faadumo) waa farta afaraad u dhexaysa far dheexadka iyo faryareeyda. Waa farta ugu quruxda badan faraha aadanaha saas ayaana keentay in la galiyo faraantiga ama fargashiga.

Faryaro

Thumb
faryaro ama fryareey

Faryaro (Af Carabi : لاسعانود; Af Ingiriis : Little finger) sidoo kale loo yaqaano Faryareey, waa farta shanaad ee faraha ku yaala gacmaha iyo lugaha dadka; waxayna ku xigtaa farta faraanti galis. Intaas waxaa dheer, in fartani tahay tan ugu yar faraha ugu wax qabadka yar.

Remove ads

Faraha Gacanta inta ay ka koobanyihiin

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads