Garoowe
Caasimada Dawlad-goboleedka Puntland From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Garoowe waa Magaalo madaxda Gobolka Nugaal. waana Caasimadda Dawladda Puntland. Magaaladan waxay ku taal meel Istaraatiiji ah, waxayna isku xirtaa magaalooyinka waawayn ee Puntland, waxaana Magaalada Dhexmara Laamiga Wayn ee Gobolada Dalka Isku xira, Laamiga marka uu magaalada Soo Galo waxa uu u qaybsamaa Sadex laami; Mid waxa uu u leexda waqooyi, Laascaanood iyo wixii ka shisheeya. Mid waxa uu aadaa Bari, Boosaaso. Midka kalana Waxa Uu ka yimaada Mudug, Gaalkacyo.
Remove ads
Remove ads
Macluumaad Guud
Garoowe ayaa waxay soo martay maraxalado kala gedisan. Haatanna waxay maraysaa heerkeedi ugu sarreeyay. Magaalada Ayaa kadhaxaysa soomali oo idil ammaankeeduna aad iyo aad ayuu usuganyahay. waxaana kajirtaa Nabadgelyo, kala dambayn, iyo isxaq-dhowr noocii ugu dameeyay. Taasoo uu ku naaloon karo shakhsi kasta oo tix galin, maamuus, iyo wanaag u haya bulshada soomaaliyeed iyo isku duubnideeda. Midnimadeeda iyo wada noolaansheheeda oo aan looga shakisanayn inuu khal khal galinayo dalka iyo amnigiisa. Garowe waxaa ku yaal Meelo aad u qurxoon, suuqyo iyo bacadlayaal, aad iyo aad u camiran Jawiga ayaa had iyo goorba ah mid aan qaboow saa'ida iyo kulayl saa'idana aan lahayn qorraxda ayaa inta badan waxaa ku dahaaran cadar iyo daruuro. Taasoo ku kalliftay shakhsigii bartah cimiladeeda inuusan meelaan iyada ahyn uusan uba xiisin. Si kastaba ha ahaatee,maciishadda Magaalada Garowe ayaa ah mid aad iyo aad u jaban taasoo u masaabaxaysa qofkasta inuu si sahlna ugu noolaado. Garoowe waa magaaldii lagu dhisay dawlada puntland 1dii august ee 1998, waxay caan ku tahay nabadda, waxaana lagu qabtay shir nabadeedyo badan xiligii burburka. waa magaalo ku taal dhexbartanka puntland 3 ka mid ah 5 gobol ee puntland ay ku hareeraysan yihiin, dhinacna waxaa ka mara badweynta caanka ah ee India. magaalooyinka xeebta ugu dhoow ee gobolka nugaal ayaa ah Eyl, godob. Nugaali waa dhul carrosan oo biyo had iyo goor qulqulayaan, buuro gaagaagana leh, ha yeeshee bannaan u badan, Ğarowe dadka ku nool tiro sax ah lagama hayo balse waxaa lagu qiyaasayaa ku dhawaad Nus-Milyan Qof
Magaalada Garowe waxay xarun u tahay maamul gobaleedka Puntland waxaana sidoo kale ay fariisin u tahay dhamaan Ha,adaha ka hawlgala deegaanada Dawlad Gobaledka Puntland,dadka magaalada ama magaalooyinka kale ee puntland waxaa la oran karaa waa dad soodhaweynta madaxda aad u yaqaan oo horseed u soomaalida dhanka soo dhaweynta madaxda dalka iyo kuwa caalamka waxaa tusaale inoogu filan sidii ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha dalka mudane maxamed cabdulaahi farmaajo mrkii uu soo booqday garoowe si uu u furo garoonka cusub ee magaaalada, tariikhdu markay ahayd, 2018/08, .
bilicda iyo koboca
magaalada garowe guud ahaan waa magaalada ugu ugu wadooyinka ama laamiyada badan maamulka p/l, sidoo kale waa magaalada koobaad ee sida fiican ugu faaidaysatay barnaamijka JBLG ga puntland. waxayna ku jirtaa magaalooyinka ugu koboca badan soomaaliya. garoe waxaa ku nool dadweyne gaaraya 500kun oo qof. magaalada garoowe taariikh ahaan waxay kasoo bilaabmatay xaafada waaberi.
Remove ads
Taariikh-da
Bulshada
KOBOCA
Waxbarashada
been taa kaaday mesh
sido Kale fiiri
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads