Puntland
Dawlad goboleed xubin ka ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Dawladda Puntland ama Buntland Af-Carabi:( أرض البنط) waxay si rasmi ah u tahay Dowlad goboleedka Puntland, waa Dawlad goboleed ku yaalo dhilif ee dalka Somaaliya. Dawlad-goboleedkan caasimadiisu waa Garoowe, gobolka Nugaal. Puntland waxay xuduud la leedahay Waqooyi Bari (SSC-Khatumo) oo ka xiga Galbeedka iyo Gacanka Cadmeed oo ka xiga Woqooyiga, dhinaca Bariga waxaa ka xiga Marinka Gardafuul iyo Badwaynta Hindiya. Dhinaca Koonfurta waxaa ka xigo Gobolada dhexe ee soomalia, KoonfurGalbeed waxaa ka xiga wadanka Itoobiya. Puntland waxay ka Talisaa Amma Hoos imaada sadex meelood oo meel Gabi ahaanba Dhulka Soomaaliya, Tirada dadka waxaa lagu qiyaasaa inka badan 4 miliyan oo qof. Magaca Puntland waxuu kayimi dhulkii uduga oo ay aqoonjireen masaarida oo gobolada waqooyi bari kadhoofsan jiray uduga, kumanaan sano kahor.
![]() | Macluumaadka halkaan ku jira ee maqaalkaan ama qaybtaan Maaha mid la Hubo Waxaa laga yaabaa in aaneey ahayn mid lagu kalsoonaan karo in ku filan, waxa ay ubaahantahay in ay eegaan dadka khibradda uleh. Waad ka caawin kartaa Wikipedia Macluumaadka ku jira maqaalkaan/qaybtaan, ka badal wax yaabaha lagama maarmaanka ah, kuna xooji macluumaadkaada wikipedia:xigasho adigoo soo xiganaya ilo muhiim ah. |
Remove ads
Dawladda Puntland
Dawladda Puntland ee somaliyeed waxaa la asaasay 1998kii, waxaana asaasay isimo ,siyaasiyiin,ganacsato,culimaa,udiin ,haween dadka ugu caansanaa ee isugu yimi shirkii GAROWE kadhacay 1998 waxaa kamid ahaa madaxweynihii hore ee Dawladda DFKMG Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ibrahim Abshir Ibrahim, Beeldaaje Xaaji Cabdullahi, Suldaan Ciise Xasan Cumar, Ugaas Yaasiin, Suldaan Saciid Cabdisalaan, Islaan Maxamed iyo Garaad Jaamac ,sababta loo sameeyay maamulkaan wuxuu ahaa si loo badbaadiyo shacabka woqooyiga. Maamulka puntland aad ayuu uuga duwanyahay maamulka kale ee SSC-Khatumo. Puntland ma raadinooso kala goynta dalka somalia, dadkaan waa dad wadaniyiin ah . shacabka puntland run ahaantii waa dad markasto raadiyo isku keenta shacabka soomaaliyeed. Puntland waxee leedahay maamul xukumo iyo barlamaan u gooni ah iyo wasiiro maamulo shacab woqooyiga.
Hormuudka
Madaxweynihii ugu horeeyay ee puntland woxoo ahaa Cabdullahi Yuusuf, waxaa ku xigay Maxamed Abdi Xaashi waxaa ku xigay Cade Muuse waxaa ku sii xigay Cabdiraxmaan Maxamuud faroole, Hadana waxaa xilka hayya Cabdiwali Maxamed Cali.
Remove ads
Madaxweyne ku xigeenka
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, badankood waa reer Darawiish, sida Axmed Karaash, Abdihakim Amey, Hasan Afqurac, Mohamed Xaashi oo dhamaan reer Darawish ah.[1]
Taariikhda
Qarniga 20ka
Garowe waxaa kunool dad kor udhaafaya 257,300 waxaa lagu tilmaamaa magaalooyinka ugu kobaca badan soomaaliya. waa magaalo loo tago dalxiiso waxay leedahay meelo taarikhi ah oo aan lasookoobikarin
caasimada puntland
Garoowe waa caasimadda Dawladda puntland ee somaliyeed, Garoowe ayaa waxay soo martay maraxalado kala gedisan. Haatanna waxay maraysaa heer keedii ugu sarreeyay. Magaalada Ayaa xarun u ah haayado dowliya iyo kuwa aan dowli ahayn,qunsuliyado,ururo maxali ah , kuwa NGO ah,radio stations,TV IWM. Garowe waxaa ku yaal Meelo aad iyo aad u qurxoon suuqaaq iyo bacadlayaal aad iyo aad u camiran Jawiga ayaa had iyo goorba ah mid aan qaboow saa'ida iyo kulayl saa'idana aan lahayn qorraxda ayaa inta badan waxaa ku dahaaran cadar iyo daruuro.
Qarnigii 21ka
Ka dib markii wadatashiyo badan ay yeesheen isimada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool goboladan, ayaa waxaa la go'aansaday in magaalada Garoowe lagu qabto shir loo wada dhan yahay kaasoo ujeedadiisu ay ahayd in la dhiso maamul dowlad goboleed. Islamarkaas waxaas ku soo biiray Gobolada Sanaag iyo Sool oo kula bahoobay Maamulaka cusub Goboladii laysku oran jiray Waqooyi Bari.
Shirkaas waxaa ka soo baxay bartamihii 1998, Dowlad Goboleedka Puntland, taasoo leh sadexda awoodood oo kala ah, Golaha Wakiilada oo dhan 66 Xilibaan oo lab iyo dhedigba leh, Garsoorka , iyo Golaha Xukuumada oo leh Madaxwayne iyo madaxwayne ku-xigeen.
Dhismihii
maamulka
Sida uu qeexayo Xeerka 1aad,. ee axdiga ku meel-gaarka ah ee lagu dhisay Puntland.
Hubinta
Hubinta iyo controlka daawada
Waxaa wasaarada u suurto gashey in la helo labo mashiin oo ah kuwa lagu baarey tayada daawada oo la dhigay Magaalada Bosaso (Dekada) iyo Garowe.
Waxaa ay wasaaradu magacowday gudi dib u eega nidaamyada ilaalinta kontoroolka daawada.
Waxa socda dib u eegista iyo hirgelinta sharciga caafimaadka ,Waxa hirgeshey in la mamnuuco ka ganacsashada daawada qaaxada ee goobaha ganacsiga ah.

Remove ads
Bulshada
Hirgalinta
hirgalinta Siyaasadda (ISKA WAX U QABSO)
Waxa wasaaraddu si fiican ugu wacyi gelisey bulshada reer Puntland ka qeyb qaadashada caafimaadka guud Waxa ay wasaaraddu ka shaqeysay isku xirka Jaaliyada dibada ee reer Puntland si ay gacan fiican uga geystaan caafimaa
Qabiilada
Qabiilada ku nool Puntland waxaa ka mid ah Leelkase, Awrtable, Deshiishe, Majeerteen iyo reer darawiish.
Calanka
Calanka Puntland midabadeeda waa ciraad, cagaar iyo cadaan. Calanka Puntland waxay uu eegtahay calanka Uzbekistan iyo calanka Lesotho.
Remove ads
Kaabayaasha (infrastructure)
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads