Khal

From Wikipedia, the free encyclopedia

Khal
Remove ads

Khal (Af Ingiriis : vinegar; Af Carabi : ar) waa dareere ka samaysan ilaa 5–20% acetic acid (CH3COOH), biyo, iyo noocyo kale oo kimikooyin ah kuwaasi oo u sameeya midabo kala duwan iyo xajmi jaamud oo kala adaga. Khalku waa dareere ka samaysan asiidh iyo biyo kuwaasi oo loo isticmaalo cuntada noocyadeeda kala duwan.[1]

Thumb
Noocyo kala duwan oo khal ah

Hordhac

Khalka waxaa lagu sameeyaa nidaam bacarimin iyo khamiirin iskugu jirta taasi oo loo isticmaalo ethanol.[2]

Sida caadiga ah khalka waxaa lagu daraa cuntada la karinayo iyo raashinka bisil intaba wuxuuna sameeyaa dhadhan dhanaan iyo xalad u yeela cuntada.[3][4]

Falgalka

Marka falgalka khalku socdo waxaa dhacda in sameysmaan isla markaana burburaan isku-dhisyo badan. Sida caadiga ah waxaa lagu bilaabaa in la isku daro isku-dhiska ethanol (CH3CH2OH) iyo ogsajiin (O2) taasi oo noqota acetic acid (CH3COOH)[5] Shaxda falgalka

CH3CH2OH + O2 → CH3COOH + H2O

Sawiro

Sidoo kale fiiri

Quick Facts

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads