Latfiya

From Wikipedia, the free encyclopedia

Latfiyamap
Remove ads

Latfiya (lv: Latvija) waa wadan ku yaalo Woqooyiga Yurub. Wadankaan waxoo xuduud la leeyahay wadamada Estoniya, Lithuaniya, ruushka iyo Belarus. Dalka jamhuuriyada Latvia. Dalka Latvia waxa uu ku yaalaa waqooyiga qaarada yurub. Wadamada la jaarka ahna waxa kamid ah dalalka Ruushka, Belarus iyo Lithuania. Caasimada jamhuuriyada Latvia waxa la yidhaa Riga, waxana ay ku taalaa waqooyiga xeebta gacanka Riga (Gulf of Riga). Waqooyi galbeedna waxa kaga talaa bada loo yaqaan Baltic Sea.

Quick Facts Republic of LatviaLatvijas Republika (Af-Laatfiyaan), Luqadaha rasmiga ah ...

Thumb
Remove ads

Bedka

Bedka dalka Latvia waxa lagu qiyaasaa 24,937.95 oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta 64,589.00 oo (kiiloo mitir laba jibaaran). Bedka dalka Latvia waxa uu ka balaadhan yahay gobolka ( West Virginia) ee dalka Maraykanka.

Dadka

Dadka ku dhaqan dalka waxa lagu sheegaa in ay gaadhaan in ka badan 2.2milyan oo ruux, waana tirakoobkii la qaaday sanadkii 2010-kii. Sanadka 2050 waxa la saadaaliyay in ay dadka reer Latvia ay hoos ugu dhici doonaan 1.7milyan oo ruux. Afka: Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa kamid ah luuqada maxaliga ah ee Latvian-ka oo loogu dhawaaqo (Lettish), iyo luuqadaha Lithuanian, Russian iyo kuwo kale. Aqoonta: Dadka reer Latvia waa dad dhaamaan tood aqoon leh sida lagu shaaciyay tirakoob lagu sameeyay dadka reer Latvia.

Remove ads

Diinta

Diimaha ay aaminsanyihiina waxa kamid ah diinta kiristanka gaar ahaan mad-habta Lutheran, Roman Catholic iyo Russian Orthodox-ka.

Cimriga

Ragga reer Latvia waxay da’doodu gaadhaa 63-sano, dumarka u dhashay Latvia waxa ay gaadhana 74-sano.

Dawlada

Thumb
Riga.

Thumb

Thumb
Matxafka Kitaabka Quduuska ah ee Ernst Glück


Qaabka ay u shaqayso Dawladda Latvia waa nidaamka Baarlamaaniga ah (Government Type parliamentary democracy).

Lacagta

Lacagta laga isticmaalo dalka Latvia waxa la yidhaa Latvian waxanay u qorantaa (LVL).

Warshadaha

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads