Liin Beydarin
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Liin Beydariin (Af Ingiriis : Citrus unshiu, sidoo kale: Naartjie) waa nooc ka mid ah liinta taasi oon lahayn wax siidh ah ama lafo ah. Liin beydariintu waxay kaga duwan tahay liin macaanta way ka yar tahay mar ahaan, sidoo kale qolofta ama dahaarka sare ee liin beydariintu waa mid si fudud looga qaadi karo marka la rabo in la cuno, sidoo kale waxay leedahay dhanaan ka badan liin macaanta, taasi ka yar liin dhanaanta.[1][2]
- Kani waa maqaal ku saabsan Liin beydariinta. Bogag kale fiiri Liin Macaan, Liin Dhanaan, Liin Qarboosh iyo Liin Bambeelmo
- Boga "Beydariin" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Si la mid ah liin macaanta ayaa liin beydariintu waxay leedahay midab oranji mararka qaar casaan xiga mararka qaarna aad huruud u ah. Sidoo kale liin beydariintu waxay leedahay hilib aad u dhadhan macaan oo jilicsan. Marka bahda liinta laga hadlayo waxaa aad iskugu dhow liin macaanta iyo liin beydariinta sababtoo ah waxay leeyihiin midab aad iskugu eg, dhadhan aan kala fogayn iyo bixitaanka geedaha oo aad iskugu qaab dhow.[3]
Si kastaba ha ahaatee, geedka liin beydariintu wuxuu ka soo jeedaa wadanka Shiinaha asal ahaan, halkaasi oo lagu beeran jiray mudo dhowr kun oo sano ah.[4][5] Liin beydariintu waxay dunida inteeda kale soo gaadhay qarnigii 18aad wixii ka dambeeyay, goortaasi oo gumeystihii reer Yurub ee qabsaday wadanada koonfurbari Aasiya soo gaadhsiiyay Afrika, Yurub iyo labada Ameeriko.[6]
In kastoo maanta laga beero wadamo badan oo caalamka ah, wadanka Shiinaha ayaa lambar kow ah soo saarida iyo dhoofinta liin beydariinta caalamka.[7]
Remove ads
Dhamaan noocyada liintu waxay ka soo tafiirmeen geedka "genus" ee Saynis ahaan loo yaqaano Sitrus. Taasi micnaheedu waa in dhamaan noocyada kale (sida Liin Dhanaanta, Liin Qarbooshta iyo Liin Bambeelmada) ka soo tafiirmeen geedka Jenus ee liin macaanka.[8]

Sida lagu xusay taariikhda geedka liinta waxaa markii ugu horeeysay lagu isticmali jirey koonfurta wadanka Shiinaha oo la aaminsan yahay ineey tahay meesha ay asal ahaan ka timidey, iyo deegaano ka mid ah wadanada Koonfurbari Aasiya. Waxaa beerashada geedka la dadku bilaabeen ilaa 2500 sano C.H (Ciise Hortii).[9]
Dhinaca qaarada Yurub waxaa la sheegay in nooc liin dhanaanta ah lagu isticmaali jirey wadanka Talyaaniga taasi ooy ka sameeyn jireen daawooyinka iyo walaxaha la isku dhayo. Waxay liintu aad ugu fiday qeybaha kale ee qaarada Yurub qiyaastii qarnigii 16aad, wakhtigaasi oo beerashada liintu aad u koobnayd.

Waxaa qaaradaha Ameerika soo gaadhsiiyay liinta sahamiyayaashii boqortooyada Isbayn. Kiristofer Kolumbus ayaa la aaminsan yahay inuu geedka liinta ka beeray agagaarka deegaanka loo yaqaano Hispaniola.[10]
Remove ads


Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads