Loos

From Wikipedia, the free encyclopedia

Loos
Remove ads

Loos, Lows (Af Ingiriis : peanut; Af Carabi : ar) magaca Saynis Arachis hypogaea, waa midho qolofley ah, adag, dahaar iyo qolof leh, kaasi oo ka tirsan dhirta loo yaqaano "Fabaceae". Sida la ogyahay waxaa geedka looska la dhaqan jirey oo laga beeri jiry dooxada Baraguay.[2] Loosku waa midho iyo geed sanadle ah, taasi micnaheedu waa in loosku dhalo hal mar sanadkii. Dhererka geedka loosku wuxuu gaadhaa dherer dhan ilaa 50 sentimitir (1.0 ilaa 1.6 ft). Caleemaha geedkani waa kuwo u baxa si kalajeed ah, waxayna leeyihin dhumuc dhan 7 sentimitir (⅜ ilaa 2¾ in) iyo baladh dhan 3 sentimitir (⅜ ilaa 1 inji).

Kani waa maqaal ku saabsan Looska.
Quick Facts Kala soocida cilmiga ah, Magaca laba-geesoodka ah ...
Thumb
Midhaha looska oo kala furan


Dhinaca kale, caleemaha geedka loosku waa kuwo balaadhan, 2 ilaa 4 sentimitir (0.8 ill 1.6 inji) (¾ ilaa 1½ inji), midabkoodu waa huruud casaan xiga. Waxaa jira noocyo badan oo loos ah, kuwaasi oo ku kala duwan muuqaalka, dhadhanka, dhumucda iyo midabka. Guud ahaan midhaha geedka loosku waxay ka baxaan xididada geedka, waxaana ku daboolan qolof la kala jebin kara laakiin difaac uga ah xasharaadka iyo dulinka.[3] Midhaha geedka looska waxaa loo isticmaalaa cunto fudud ahaan, waxayna leeyihiin borotiin iyo nafaqo badan kaasi oo jidhka dadka iyo xayawaanku u baahan yahay.


Remove ads

Muuqaalka

Qoraalo La Xidhiidha


Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads