Mahadaay Weyn

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads

Mahadaay Weyn waa Magaalo ku taalo gobolka shabeelaha Dhexe, waxeyna qiyaastii 17 km ka xigta dhinaca waqooyi galbeed caasimada Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Jowhar. Degmada oo caan ku ah magaca Mahadaay Weyn waxaa dhanka qorax u dhaca ka mara Wabiga Shabeelle. Sidaas daraadeed shacabka ku nool magaalada waxay caan ku yihiin beer falashada iyo dhaqashada xoolaha

Quick facts Mahaday, Wadanka ...

sida lo'da iyo ariga. Mahadaay Weyn waxaa ku dhashay Mdaxweyne Sh Shariif oo Lagu doortay Shirkii Jabuuti iyo , Degmada Mahadaay Weyn waxaa hoos yimaada tuulooyin ay ka mid yihiin Buurfuule, Miirtaqwe, Shaan, Oombaale, Cil foldhere Xudur ciise Diinlaawe,Caadley, Ceelbaraf, miirtaqwo, Tuulo halbaraako iyo biyo cade.

Remove ads

Dulmar

Mahadaay waxay qiyaastii 118 KM dhanka waqooyi kaga beegan tahay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Warshadaha Mahadaay waqtiga la aas aasay

Gobolka shabeelaha dhexe wuxuu lahaan jiray warshado badan, waxaana ka mid ah warshadaha waaweyn ee caan ka ahaan jiray sida warshada sonkorta oo kutaal caasimada gobolka ee Jowhar

iyo weliba Warshaddii hubka fudud iyo Rasaasta ee Dowlaadii Kacaanka ka haqabtiri jirtey baahida ciidanku u qabo rasaasta iyo hubka fudud.

Tirakoobka dadweynaha

Mahadaay waxaa ku nool ilaa 35,000 oo qof.

Tixraac

"Shacabka Magaalada & Magaalooyinka Soomaaliya"

"Gobollada, degmooyinka, iyo dadkooda: Soomaaliya 2005 (qabyo)"

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads