Maxamed Mooge

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads

Maxamed Mooge Liibaan (Af Ingiriis: Mohamed Mooge Liibaan, Af Carabi: محمد الموجي لبنان) wuxuu ahaa macallin, fanaan, abwaan hal-abuur sare leh iyo halgamaa Soomaaliyeed oo si weyn ugu lug lahaa fanka, suugaanta iyo siyaasadda. Wuxuu caan ku ahaa codkiisa firfircoon, heesaha gubaabada iyo doorkiisii wacyigelinta shacabka xilliyadii adkaa ee Soomaaliya.

Quick Facts Maxamed Mooge Liibaan محمد الموجي لبنان, Ku dhashay ...
Remove ads

Tariikh

Maxamed Mooge Liibaan wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa oo maanta ah caasimadda dalka Somaliland. Asaga iyo walaalkiis Axmed Mooge, iyagoo da'yar, waxay bilaabeen heesida iyo laxameynta suugaanta Soomaaliyeed, iyaga oo noqday labo ka mid ah fannaaniintii ugu caansan uguna saamaynta badnaa waqtigooda. Maxamed Mooge waxa uu sidoo kale ka mid ahaa xubnihii kooxda faneed ee caanka ahayd ee Hobolada Waaberi, taas oo ahayd hobol faneedkii ugu weynaa uguna saameynta badnaa ee Soomaaliya.

Maxamed Mooge wuxuu caan ku noqday garaacida kaban-ka, isagoo noqday fanaan aad u gaar ah oo laxan iyo codba leh. Ka hor intii aanu si buuxda u gelin fanka, Maxamed wuxuu ahaa macallin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Fanaannimadiisa waxaa si weyn loogu arkay sanadihii 1970-meeyadii, xilli ay ka dhex muuqdeen heeso wacyigelin iyo kuwa bulshada u taagan.

Sannadkii 1971, taliskii Soomaaliya ayaa Maxamed Mooge shaqada ka fadhiisiyay, kadib markii loo arkay inuu ka soo horjeedo xukunka kalitaliska ee Maxamed Siyaad Barre. Intii uu dalka joogo, Maxamed Mooge wuxuu qaaday heeso si dadban uga soo horjeeday nidaamka xukunka, isaga oo adeegsanayay suugaan wacyigelin ah oo dhiirrigelinaysay xorriyadda iyo midnimada bulshada.

Intii lagu guda jiray 1970-meeyadii, Maxamed Mooge si qarsoodi ah ayuu dalka uga baxay, wuxuuna muddo ku sugnaa dalalka Kiiniya iyo Ingiriiska, halkaas oo uu ka sii waday halganka faneed iyo midka siyaasadeed ee uu ku doonayay inuu ka hor yimaado nidaamka cadaawadda ku heystay shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Mooge wuxuu markii ugu horreysay ku biiray dhaqdhaqaaqii Siyaad-diidka ahaa ee Jabhadda SSDF, halkaas oo uu noqday fanaan hoggaaminayay halganka wacyigelinta. Waxaa ka mid ah heesihii uu qaaday "Soomaalidu ma huruddaa?" iyo "Lix iyo labaatankii Juun ku lednay, kowdii Luulyo liibaaney, kow iyo labaatankii Oktoobar leeleelay" — heeso si toos ah uga dhan ahaa nidaamkii kali-taliska.

Maxamed Mooge wuxuu ahaa qof aad u nacayb badan xukunka Siyaad Barre, mana jirin heeso uu ku ammaanay nidaamkaas. Sidoo kale, ma jirin heeso badan oo Idaacadaha Dowladda Soomaaliyeed laga duubay, sababtoo ah Maxamed Mooge wuxuu u arkayay idaacadahaasi inay yihiin kuwo aan matalin shacabka, una adeegaya taliska.

Fanka Maxamed Mooge wuxuu ku jiraa qaybta fanka loo yaqaan "Fadhiga," wuxuuna leeyahay cod lab-labaan ah oo aad u macaan, lehna luuq farshaxanimo ku dheehan. Codkiisa iyo laxankiisa ayaa dadka si qoto dheer u taabtay, waxaana la sheegaa in heesihiisa ay yihiin kuwa guryaha Soomaaliyeed laga maqlo ilaa iyo maanta. Maxamed Mooge wuxuu ahaa bulshaawi qalanbaawi, hilaad fog iyo hiyi durugsan, wuxuuna fankiisa u arkaa mid aan duugoobi doonin inta ay dad nool yihiin.

Maxamed Mooge wuxuu ahaa walaalkii fanka Soomaaliyeed ee caanka ahaa Axmed Mooge. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, Maxamed Mooge wuxuu ku shahiiday halganka xoraynta Soomaaliliand 5-ta June 1984.

SNM

Maxamed Mooge wuxuu si firfircoon uga qayb qaatay halgankii ka dhanka ahaa xukunka Siyaad Barre, wuxuuna ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii wacyigelinta ee ururka SNM (Somaliland National Movement). Ka hor intii uusan si rasmi ah ugu biirin SNM, wuxuu ku jiray Jabhaddii SSDF, isagoo ah fanaan waday heeso si toos ah ula dagaalamay taliska.

Maxamed Mooge wuxuu ahaa madaxii warfaafinta iyo idaacaddii halganka ee SNM, isagoo si weyn uga qayb qaatay gudbinta fariimaha halganka iyo wacyigelinta bulshada. Waxa uu si hagar la’aan ah ugu huray noloshiisa hawlihii xoraynta, waxaana lagu xasuustaa geesinimadiisa iyo kartidiisa wacyigelineed.

Geeridii Maxamed Mooge Liibaan

5-ta June 1984, Maxamed Mooge iyo 16 dagaalyahan oo ka tirsanaa SNM ayaa ku geeriyooday weerar jid-goyn ah oo ka dhacay goob u dhexeysa magaalooyinka Awaare iyo Dhagax Buur, gaar ahaan meesha loo yaqaano Dusmo. Weerarkan waxaa geystay ciidamadii taliska Siyaad Barre, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxii wacyigelinta SNM iyo saaxiibadiis.

Fanka iyo Suugaanta

Maxamed Mooge wuxuu ahaa mid ka mid ah fannaaniintii ugu waaweynaa ee suugaanta Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta fanka Hiddaha iyo dhaqanka .” Codkiisa oo ahaa mid lab-labaan ah ayaa lahaa deganaan, iyo farshaxanimo sare, taas oo ka dhigtay mid si gaar ah ugu taagan taariikhda fanka Soomaalida. Waxa uu si heer sare ah ugu garaaci jiray kaban-ka, taas oo ka mid ahayd astaamaha lagu garto fankiisa iyo hal-abuurkiisa dhaqan-xambaarsan.

Heesaha Maxamed Mooge waxay inta badan ka tarjumayeen xaaladaha bulshada, halganka siyaasadeed, iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu ka digayey gumeysiga, dulmiga, iyo kali-taliska, isagoo ku cabbiray qaabab suugaaneed oo hodan ah, kuwaas oo dadweynaha si sahlan uga heli jireen farriimaha uu gudbinayay. Heesihiisa waxaa ka mid ahaa kuwa aad loo jecel yahay sida “Soomaalidu ma huruddaa?” iyo “Lix iyo labaatankii Juun ku lednay,” oo noqday astaamo halganka siyaasadeed ee xilligaa.

Maxamed Mooge wuxuu ku luuqeeyay gabayo badan oo cajiib ah oo ay curiyeen abwaanno waaweyn sida Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Abwaan Qaasim. Dhanka maansooyinka casriga ah, wuxuu sidoo kale si qiiro leh u qaadi jiray maansooyinka Abwaan Hadraawi, kuwaas oo uu u beddeli jiray heeso hodan ku ah micne iyo murti. Tani waxay muujinaysay aqoontiisa suugaaneed iyo sida uu ugu dheeraa fanka wacyigelinta bulshada.

Waxaa sidoo kale lagu xasuustaa in Maxamed Mooge uu ahaa macallin iyo hal-abuur suugaaneed, isla markaana uu wax ka baray dad badan oo fannaanka cusub ah, isaga oo dhiirrigeliyay in fanka Soomaaliyeed uu noqdo mid saameynaya xaaladda bulshada.

Xidhiidhka Fanka,Hiddaha & Dhaqanka

Fanku waa muraayad ka tarjumeysa hiddaha, dhaqanka, iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed. Waxaa uu salka ku hayaa taariikh fac-weyn oo ku dhisan maanso, gabay, hees, ciyaar dhaqameed iyo hal-abuur suugaaneed, kuwaas oo qarniyo badan bulshada uga faa’iideeyay xagga wacyigelinta, baridda, iyo ilaalinta aqoonsiga. Sido kale Maxamed mooge Fankiisu wuxuu aad ula xiriiraa hiddaha iyo dhaqanka,Heesihiisa waxay xambaarsanaayeen murti, halgan, iyo dareen suugaaneed oo bulshada si toos ah ugu hadla.

Saameynta iyo Dhaxalka

Maxamed Mooge wuxuu ka mid yahay halyeeyada fanka Soomaaliyeed ee saameynta weyn ku yeeshay hiddaha iyo dhaqanka. Waxa uu sii waday dhaqankii halganka iyo wacyigelinta iyadoo codkiisa iyo heesihiisu ay weli ku nool yihiin qalbiyada dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida.

Dhaxalkiisa faneed wuxuu ku fidayaa jiilba jiil, iyada oo heesihiisa loo adeegsanayo inay baraan jiilasha cusub qiimaha halganka, midnimada, iyo jacaylka dhulka hooyo. Wuxuu tusaale u yahay fannaaniinta ku adkaystay halganka siyaasadeed ee waqtigiisa, isagoo weli ah astaanta caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan gobolka.

Maxamed Mooge sidoo kale wuxuu noqday astaan qaran oo lagu xasuusto geesinimada, halganka, iyo fanka isku mar, taas oo ka dhigaysa mid aan marnaba la ilaawi karin.

Xigashooyin

Cabdiqani Maxamed Xuseen, Taariikhda Fanka Soomaaliyeed, Hargeysa, 2010.

Axmed Maxamed Cali, Fanka iyo Siyaasadda Soomaaliya, Muqdisho, 2005.

Jaamac Maxamed Xuseen, Heesaha Halganka iyo Fanka Soomaalida, Djibouti, 2018.

Remove ads

Heesha

  • Aamiinta kula idhi
  • Allahayow
  • Adduunyoow
  • Adigiyo jacaylkana
  • Baxsanow Hadraawow
  • Ciilka Dadweynaha
  • Dadka hayska weyneyn
  • Dalxiis
  • Dhayyal looma heesee
  • Dhulkii hooyo
  • Doonidii Jacaylka
  • Galbis
  • Guga
  • Habluhu kala wanaagsan
  • Hami Iyo Jacayl
  • Haween U Samir
  • Idil
  • Ifka
  • Jirab
  • La Jiifiyaana
  • Maxaa Iga Galay Nin Geelbadan
  • Maxamed
  • Mudantii haweenkaa
  • Nabsiga Hiisha
  • Nafta Ku Ogolaatay
  • Oogada Jirkeygiyo
  • Saxarla
  • Saylaha
  • Shacbaan
  • Waa Oday Kasheekee
  • Walaac
  • Waayeel Dadow
  • Xeebtaa Jabuuti
  • Xilo Jano
  • sabab kale ha moodine
Remove ads

Sidoo kale fiiri

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads