Maxamed Mooge
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Maxamed Mooge Liibaan (Af Ingiriis: Mohamed Mooge Liibaan, Af Carabi: محمد الموجي لبنان) wuxuu ahaa macallin, fanaan, abwaan hal-abuur sare leh iyo halgamaa Soomaaliyeed oo si weyn ugu lug lahaa fanka, suugaanta iyo siyaasadda. Wuxuu caan ku ahaa codkiisa firfircoon, heesaha gubaabada iyo doorkiisii wacyigelinta shacabka xilliyadii adkaa ee Soomaaliya.
Remove ads
Tariikh
Maxamed Mooge Liibaan wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa oo maanta ah caasimadda dalka Somaliland. Asaga iyo walaalkiis Axmed Mooge, iyagoo da'yar, waxay bilaabeen heesida iyo laxameynta suugaanta Soomaaliyeed, iyaga oo noqday labo ka mid ah fannaaniintii ugu caansan uguna saamaynta badnaa waqtigooda. Maxamed Mooge waxa uu sidoo kale ka mid ahaa xubnihii kooxda faneed ee caanka ahayd ee Hobolada Waaberi, taas oo ahayd hobol faneedkii ugu weynaa uguna saameynta badnaa ee Soomaaliya.
Maxamed Mooge wuxuu caan ku noqday garaacida kaban-ka, isagoo noqday fanaan aad u gaar ah oo laxan iyo codba leh. Ka hor intii aanu si buuxda u gelin fanka, Maxamed wuxuu ahaa macallin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Fanaannimadiisa waxaa si weyn loogu arkay sanadihii 1970-meeyadii, xilli ay ka dhex muuqdeen heeso wacyigelin iyo kuwa bulshada u taagan.
Sannadkii 1971, taliskii Soomaaliya ayaa Maxamed Mooge shaqada ka fadhiisiyay, kadib markii loo arkay inuu ka soo horjeedo xukunka kalitaliska ee Maxamed Siyaad Barre. Intii uu dalka joogo, Maxamed Mooge wuxuu qaaday heeso si dadban uga soo horjeeday nidaamka xukunka, isaga oo adeegsanayay suugaan wacyigelin ah oo dhiirrigelinaysay xorriyadda iyo midnimada bulshada.
Intii lagu guda jiray 1970-meeyadii, Maxamed Mooge si qarsoodi ah ayuu dalka uga baxay, wuxuuna muddo ku sugnaa dalalka Kiiniya iyo Ingiriiska, halkaas oo uu ka sii waday halganka faneed iyo midka siyaasadeed ee uu ku doonayay inuu ka hor yimaado nidaamka cadaawadda ku heystay shacabka Soomaaliyeed.
Maxamed Mooge wuxuu markii ugu horreysay ku biiray dhaqdhaqaaqii Siyaad-diidka ahaa ee Jabhadda SSDF, halkaas oo uu noqday fanaan hoggaaminayay halganka wacyigelinta. Waxaa ka mid ah heesihii uu qaaday "Soomaalidu ma huruddaa?" iyo "Lix iyo labaatankii Juun ku lednay, kowdii Luulyo liibaaney, kow iyo labaatankii Oktoobar leeleelay" — heeso si toos ah uga dhan ahaa nidaamkii kali-taliska. ku dhawaad muddo saddex sano ah ayuu maxamed mooge la shaqeynayay Jabhaddii SSDF.
Maxamed Mooge wuxuu ahaa qof aad u nacayb badan xukunka Siyaad Barre, mana jirin heeso uu ku ammaanay nidaamkaas. Sidoo kale, ma jirin heeso badan oo Idaacadaha Dowladda Soomaaliyeed laga duubay, sababtoo ah Maxamed Mooge wuxuu u arkayay idaacadahaasi inay yihiin kuwo aan matalin shacabka, una adeegaya taliska.
Fanka Maxamed Mooge wuxuu ku jiraa qaybta fanka loo yaqaan "Fadhiga," wuxuuna leeyahay cod lab-labaan ah oo aad u macaan, lehna luuq farshaxanimo ku dheehan. Codkiisa iyo laxankiisa ayaa dadka si qoto dheer u taabtay, waxaana la sheegaa in heesihiisa ay yihiin kuwa guryaha Soomaaliyeed laga maqlo ilaa iyo maanta. Maxamed Mooge wuxuu ahaa bulshaawi qalanbaawi, hilaad fog iyo hiyi durugsan, wuxuuna fankiisa u arkaa mid aan duugoobi doonin inta ay dad nool yihiin.
Maxamed Mooge wuxuu ahaa walaalkii fanka Soomaaliyeed ee caanka ahaa Axmed Mooge. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, Maxamed Mooge wuxuu ku shahiiday halganka xoraynta Soomaaliliand 5-ta June 1984.
SNM
Maxamed Mooge wuxuu si firfircoon uga qayb qaatay halgankii ka dhanka ahaa xukunka Siyaad Barre, wuxuuna ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii wacyigelinta ee ururka SNM (Somaliland National Movement). Ka hor intii uusan si rasmi ah ugu biirin SNM, wuxuu ku jiray Jabhaddii SSDF, isagoo ah fanaan waday heeso si toos ah ula dagaalamay taliska.
Maxamed Mooge wuxuu ahaa madaxii warfaafinta iyo idaacaddii halganka ee SNM, isagoo si weyn uga qayb qaatay gudbinta fariimaha halganka iyo wacyigelinta bulshada. Waxa uu si hagar la’aan ah ugu huray noloshiisa hawlihii xoraynta, waxaana lagu xasuustaa geesinimadiisa iyo kartidiisa wacyigelineed.
Waxaa xusid mudan in Maxamed Mooge Liibaan, inuu ka mid ahaaa taliyeyaasha milatari ee SNM sida Col. Maxamed Kaahin , Col. Ibraahim Koodbuur, Col. Aadan Maxamed Guhad (Aden walli) , Mahamoud Ismail Gabush , Gen.Daoud iyo taliyayal iyo Saraakiil ciidamo badan , haddana uu si dhow ula shaqeyn jiray dhammaan qeybaha SNM . Mooge wuxuu codka iyo maskaxda wacyigelinta iyo siyasada ururka, isagoo ahaa tiir-dhexaadka suugaanta halganka, Hawl-galinta , Sahanka iyo Bixinta talooyinka ciiddan.
Hoggaamiyeyaasha La Xidhiidha (SNM)
- Col. Ibraahim Koodbuur
- Col. Maxamed Kaahin Axmed
- Col. Aadan Maxamed Guhad (Aden Wali)
- Mahamoud Ismail Gabush
- Gen. Daoud
- Hussein Dheere
- Askar (Sarkaal)
Geeridii Maxamed Mooge Liibaan
Afartii bishii June 1984, abwaankii iyo halgamaa Maxamed Mooge Liibaan iyo 16 dagaalyahan oo ka tirsanaa SNM ayaa ku geeriyooday weerar jid-goyn ah oo ka dhacay meel u dhexaysa magaalooyinka Awaare iyo Dhagax Buur, gaar ahaan aagga Meermeerta . Weerarkan waxaa geystay ciidamadii taliska Siyaad Barre, waxaana si gaar ah loogu beegsaday madaxii wacyigelinta SNM iyo asxaabtiisii.
Waqtigaas, Maxamed Mooge iyo aqoonyahanno kale oo ka tirsanaa hoggaanka SNM waxay aad uga walaacsanaayeen in qaar ka mid ah saraakiisha ururka ay u xagliyeen nidaam ku dhisnaa khalaawo, foox la shido, iyo xiriir dhaw oo lala yeesho awliyada. Waxay u arkayeen in arrintaasi khatar gelin karto diyaargarowga milateri ee lagama maarmaanka ah, maadaama ay suuragal tahay in ciidamo aan si fiican u tababaran loo diro hawlgallo culus taas oo keeni karta khasaare weyn.
Subax ka mid ah maalmaha xiisaddaas, annaga oo shaah wada cabbayna, ayaa noo yimid Xassan Tarabi — oo markaas ahaa abaanduule ka tirsan ciidankii degganaa xerada. Habeenkii ka horreeyay (4/6/1984), waxaa soo baxay war sheegaya in Taliyaha Ciidanka SNM, Ibraahim Koodbuur, uu baabuurkiisii iyo ilaaladiisii khaaska ahayd siiyey sarkaal la oran jirey Ina Askar (ma aha Kornayl Cabdillahi Askar), oo ka mid ahaa saraakiisha khalaaweya. Habeenkaas, baabuurkii iyo ciidankii la socday Ina Askar ayaa ku dhacay gacanta ciidamadii Siyaad Barre meel la yiraahdo Celiyo, halkaasna lagu dilay ilaaladii iyo sarkaalkii, baabuurkiina subaxnimadii waxaa la geeyey Hargeysa.
Markii uu war ka helay dhacdadan, Maxamed Mooge ayaa si cadho leh ugu yidhi Xassan Tarabi — oo laftiisu ka mid ahaa raggii khalaaweya, islamarkaana xertiisa gaarka ah uu ka tirsanaa wadaadka la dilay — isagoo kaftan qadhaadh ku jiro:
> “Xassan Tarabiyow, xiligan aadka u xun ee qof wax ka yaqaanna ciidamada iyo amnigooda aysan suuragal ahayn in sahal lagu seego, maxaa haddii Ina Askar yahay awliyo uu ciidanka faqashta ee Celiya ku gabanaya ugu sii sheegi waayey in khatar ay soo fool leedahay, oo aan loo sheegin?”
Hadalkan ayaa Xassan Tarabi cadho geliyey, wuxuuna isla markiiba bastoolad kala baxay, isagoo toogasho ku dhuftay Maxamed Mooge, xabadduna waxay ka cuskatay aagga goljilicda ee sarcanta guudkeeda.
Maxamed Mooge waxaa loo qaaday dhakhtarka ciidanka ee Awaare, balse dhakhtarku wuxuu ku taliyey in loo qaado Dhagax Buur. Intii lagu sii jiray safarka, weerarkii jid-goynta ayaa dhacay, halkaasna waxaa ku naf waayey Maxamed Mooge iyo ilaa 16 dagaalyahan oo la socday.
Allaha u naxariisto dhammaantood.
Saameynta iyo Dhaxalka
Maxamed Mooge wuxuu ka mid yahay halyeeyada fanka Soomaaliyeed ee saameynta weyn ku yeeshay hiddaha iyo dhaqanka. Waxa uu sii waday dhaqankii halganka iyo wacyigelinta iyadoo codkiisa iyo heesihiisu ay weli ku nool yihiin qalbiyada dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida.
Dhaxalkiisa faneed kuma eka halganka oo keliya, balse wuxuu ku muuqday sida uu u qaadan jiray gabayo iyo maansooyin qiimo leh oo suugaanta Soomaaliyeed hodmiyey. Wuxuu ku luuqeeyay gabayo badan oo cajiib ah oo ay curiyeen abwaanno waaweyn sida Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Abwaan Qaasim. Dhanka maansooyinka casriga ah, wuxuu sidoo kale si qiiro leh u qaadi jiray maansooyinka Abwaan Hadraawi, kuwaas oo uu u beddeli jiray heeso hodan ku ah micne iyo murti. Tani waxay muujinaysay aqoontiisa suugaaneed iyo sida uu ugu dheeraa fanka wacyigelinta bulshada.
Sido kale , dhaqanka waxa hodan ku ah suugaan, hees, gabay, iyo ciyaaro dhaqameed sida Dhaanto ,Baarcadaha iyo Jaandheerta , kuwaas oo gudbiya aqoon, wacyi, iyo xusuusta bulshada. Waxay sidoo kale xoojiyaan midnimada iyo isku xidhnaanta bulshada, iyagoo ilaalinaya afka iyo hiddaha dhaqankeena.
Maxamed Mooge sidoo kale wuxuu noqday astaan qaran oo lagu xasuusto geesinimada, halganka, iyo fanka isku mar, taas oo ka dhigaysa mid aan marnaba la ilaawi karin.
Xigashooyin
Cabdiqani Maxamed Xuseen, Taariikhda Fanka Soomaaliyeed, Hargeysa, 2010.
Axmed Maxamed Cali, Fanka iyo Siyaasadda Soomaaliya, Muqdisho, 2005.
Jaamac Maxamed Xuseen, Heesaha Halganka iyo Fanka Soomaalida, Djibouti, 2018.
Remove ads
Heesha
- Aamiinta kula idhi
- Allahayow
- Adduunyoow
- Adigiyo jacaylkana
- Baxsanow Hadraawow
- Ciilka Dadweynaha
- Dadka hayska weyneyn
- Dalxiis
- Dhayyal looma heesee
- Dhulkii hooyo
- Doonidii Jacaylka
- Galbis
- Guga
- Habluhu kala wanaagsan
- Hami Iyo Jacayl
- Haween U Samir
- Idil
- Ifka
- Jirab
- La Jiifiyaana
- Maxaa Iga Galay Nin Geelbadan
- Mudantii haweenkaa
- Nabsiga Hiisha
- Nafta Ku Ogolaatay
- Oogada Jirkeygiyo
- Saxarla
- Saylaha
- Shacbaan
- Waa Oday Kasheekee
- Walaac
- Waayeel Dadow
- Xeebtaa Jabuuti
- Xilo Jano
- sabab kale ha moodine
Remove ads
Sidoo kale fiiri
References
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads