Multazim

From Wikipedia, the free encyclopedia

Multazim
Remove ads

Multazim waa magac carabi ah[1] waana meel u dhaxeesa Dhagaxa Madow iyo Ilbaabka Kacbada dheerar kiisuna dhanyahay afar dhudhun (labo mitir ku dhawaad)[2] sida laga wariyay Cabdullaahi bin Cabbaas inuu yiri <<multazimku waa inta u dhaxeesa tiirka iyo ilbaabka>> waana meesha alle baryada ku aqbalo. waxaana suno ah in aad daankaaga iyo dhudhumadaada iyo laabtaada iyo sacabadaada wada saartid oo aad ku dhajisid darbiga(halka u dhaxeesa ilbaabka iyo tiitka dhagaxa madow ka sokeeya) Cabdullaahi bin Cabbaas sidaa ayuu sameen jiray wuxuuna dhihi jiray <<qofna isku ma dhajiyo oo markaa alle wax ma waydiisto alle waa siiyaa wixii uu rabay>> [3]

Thumb
6 multazim

sidoo kale waxaa la wariyay Cabdullaahi bin Camri bin Caas inuu dawaafay oo tukaday oo markaa salaamay rukniga oo markaa istaagay inta u dhaxeesa dhagaxa iyo ilbaabka oo uu ku nabay laabtiisa iyo sacabadiisa iyo daankiisa buu markaa yiri <<saas ayaan arkay nabigoo sameenaya>>[4].

wuxuu yiri abuu zubeyr waxaan arkay Cabdullaahi bin Cumar r.c iyo Cabdullaahi bin Cabbaas iyo Cabdullaahi bin Zubeyr oo isku nabaya. wuxuuna yiri cabdullali bin cabbaas <<inta u dhaxeesa dhagaxa iyo ilbaabka ma istaago qof oo markaa alle maka baryo wax ilaa wuu arkaa dantiisoo qaarkeed oo fushay>>[5]

Remove ads

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads