Wabiga Niil
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Wabiga Niil waa wabiga ugu dheer caalamka waxoona dhaxmaraa qaarada Afrika. Wabigaan Dhirirkiisa waxoo gaaraa ilaa 6,650 km,waxa uu u qaybsamaa laba qaybood oo kala ah niilka buluuga ah iyo niilka cad. niilka cadi waxa uu kasoo bilaabmaa halka looyaqaano harooyinka waawayn oo ah badhtamaha Afrika halka ugu fog ee wabigani uu kasoo bilaabmaa waa wadanka Ruwanda waxa ay kayimaadaan biyaha soraca wabiga niilka cadi wadanka gaar ahaan harada wayn ee Harta Fiktooriya waxa uu soomaraa wadmada Yugandha. koonfurta Suudaan. halka niilka buluuga ahi uu kasoo bilaabmo harada Taana ee wadanka Itoobiya waxa uu soo gaadhaa wadanka Suudaan waxa ay ku kulmaan labada wabi meel u dhaw caasimada wadanka Suudaan ee Khartuum. waxa uu wabigani isaga gudbaa dsagaal dawladood oo kuyaala qaarada Afrika[3]

Remove ads
Halka uu kasoo jeedo magacu
Magaca niil waxa loomalaynayaa in uu kasoo jeedo magaca giriiga ah ee "Neilos" (Νειλος).Waxa kale oo giriigii hore ay u yaqaaneen magaca Aigyptos oo ah magaca uu kasoo goay magaca ingiriisi ahaan loo yaqaano wadanka Masar
Niilka cad
Goobta aasaasiga ah ee uu kasoo bilawdo niilka cadi waa harada looyaqaano Harta Fiktooriya waxa ay haradani kutaalaa oo ay xuduud u noqotaa wadamada Yugandha.Tansaaniya Kiinya waxaanay tahay haradani mid kamida harooyinka waawayn ee Afrika. marka wabiga niil uu kasoo baxo harada fiktooriya waxa looyaqaana niilka fiktooriya. waxa uu socdaa ilaa 300klm kadib waxa uu soogaadhaa harada looyaqaano Harada Albert kadib marka uu kabaxo harada Albert waxa lagu magacaabaa niil albert.kadib waxa uu soogaadhaa wadanka suudaan sidaasna waxa uu ku qaataa magaca niilka cad
Remove ads
Niilka buluuga ah
Niilka buluuga ahi waa 85% biyaha wabiga niil taas macneheedu waxa weeye wabiga niil 85% waxa uu ka imaadaa niilka buluuga ah. niilak buluuga ahi waxa uu ka imaadaa amaba kasoo bilaabmaa harada Taana ee wadanka Itoobiya waxa uu magaca niilka buluuga ah labaxaa kadib marka uu soo gaadho wadanka suudaan inta ka horaysa waxa lagumagacaabaa magaca (Ababay)

Niil
Kulanka labada niil
Kadib marka labada qaybood ee niilka cad iyo niilka buluuga ahi ay kulmaan ayay waxa ay sameeyaan wabiga caanka ah ee niil.sida aynu ognahay wabiga niil waxa uu kudhamaadaa oo uu kudaraa Bada Dhexe.
Ahmiyada uu leeyahay
Wabiga niil waxa hareerihiisa kunool dad aad u badan oo uu u yahay meel ay irsiq ka raadsadaan sida beeraha iyo cabitaanka meelaha ugu badan waxa kamida wadanka masar oo laba meelood oo meeli ay kunooshahay wabiga niil dadkaasi waxa ay dagaan ka dhigteen wabiga hareerihiisa.
Dawladaha wadaaga
Wabiga niil waxa wadaaga dawlado badan waxaanuu isaga gudbaa dhul aad u dheer. waxa kamida dawladaha wadaaga
Nabi Muuse
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads