Qolof Dhul
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Qolofta Dhulka (Af Ingiriis : Earth's crust) waa lakabka ugu sareeya jidhka dhulka, midaas oo ka kooban dhagaxaan, caro iyo macdano kale. Qolofka sare ee dhulku oo ah maqaarka dunida waa mid aad u adag oo heerkulkeedu markuu ugu hooseeyo gaadho 184 K ama −89.2 °C ugu badnaan wuxuu gaadhaa 56.7 °C ama 330 K.
Hordhac
Xadiga curiyeyaasha iyo isku dhisyada macdantu weey ku kala badan yihiin oogada dhulka waxaaney u kala baxaan sidan:csilica (SiO2) waa 60.2%; alumina (Al2O3) waa 15.2%; Nuurad (CaO) waa 5.5%; magnesiya (MgO) 3.1%; Aayron(II)Ogsaydh (FeO) waa 3.8%; sodhiyam Ogsaydh (Na2O) waa 3.0%; Botashiyaam Ogsaydh (K2O) waa qadar dhan 2.8%; Aayron (III) Ogsaydh (Fe2O3) waa 2.5%; Biyo (H2O) ku dhexjira caroda waa 1.4%; Kaarboon-labo-Ogsaydh (CO2) waa 1.2%; Tiitaniyaam-labo-Ogsaydh (TiO2) waa qadar dhan 0.7%; iyo Fosforos-pentOgsaydh (P2O2) oo ah qadar dhan 0.2%.
Remove ads
Shaxda Iskudhiska
Isku-xidhka curiyeyaashan waxay noqonayaan 99.6% qolofta sare ee dhulka, tirada yar ee kale waa hawooyin iyo neefo ku dhex jira.
Remove ads
Qoraalo La Mid ah
Tixraac
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads