Sacad bin mucaad

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads

Sacad bin mucaad RC saxaabi ka mid ahaa hogaamiyayaasha ansaar, wuxuu hogaamin jiray qabiilka Aws ka hor hijrada, muscab bin cumeyr ayuu gacantiis kusoo islaamay, qabiilkiis ayaa ku raacay diinta, Sacad wuxuu ku jiray saxaabada uu nabiga scw kala tashado arimaha soo wajaha, sanadkii 5aad ee hijiriga ayuu sacad u dhintay dhaawac ka soo gaaray dagaalkii axzaab, carshiga ilaahay ayaa la gariiray geeridiisa.

Quick Facts saxaabi, xog ku saabsan ...
Remove ads

Horaantiisa

“Waa sacad bin mucaad bin imrail-qeys Al-ashhali al-ansaari” kunyadiis waa “abuu camar” hooyadii magaceed waa “kabsha binti raafic bin cubeyd bin saclaba” way islaamtay nabiga scw ayee la mubaayacootay.

Islaamka ka hor Wuxuu ka mid ahaa madaxda ansaar, qabiilka Aws ayuu sayid u ahaa, dagaalkii bucaas ee dhacay islaamka ka hor ayuu qeyb ka qeyb qaatay.

Waxaa lagu sifeeyay inuu ahaa qof midabkiisu cad yahay, gar qurxoon, qaab wanaagsan, joog dheer oo muuqaal qurxoon leh.[1]

Remove ads

Islaamidiisa

Wuxuu ahaa Nebiga scw inuu qabiilada carabta la kulmaayo xiliyada xajka iyo meelaha kale ee leysugu imaado asigoo ugu yeeraayo diinta islaamka,

Sanadkii 10aad ee soosaaridiisa lix ka mid ah reer madiina ayuu kula kulmay xajka wey islaameen [2] sanadkii xigay labo iyo toban ayee ku imaadeen weyna islaameen, waxey kula mubaayacoodeen nabiga scw buurta caqabo agteeda, baacadaan ayaa loo yaqaanaa beeca caqaba koowaad, intaa ka dib waxey ka dalbadeen Nebiga scw inuu ku daro qof diinta ugu yeero dadkooda, wuxuu raaciyay nabiga scw muscab bin cumeyr[3].

Muscab wuxuu tagay madiina guriga Ascad bin zuraara ayuu dagay faafinta diinta ayuuna bilaabay, aad ayee u faaftay dacwada guri kasta ayeena oo madiina ku yaala ayee gashay.

Useyd bin xudeer iyo sacad bin mucaad ayaa kulmeen waxey ka soo horjeesteen muscab dacwada uu wado, sacad wuxuu dhahay ninkaan ascad baa ku xushmeynaa maahee meel baa saari lahaa, useyd ayaa dhahay kaaga filan wuu soo aaday dhankooda, muscab ayaa dhahay: "fariiso oo na dhageyso hadaa ku raali noqoto waa aqbalaysaa hadaa nacdana waa ku dhaafeynaa" wuu ka yeelay muscab wuxuu u sharxay diinta, markiiba wuu ku qancay wuxuu dhahay waa diin wanaagsan sidee loo galaa muscab ayaa u qiray ashahaadada, useyd wuxuu dhahay: "qof baa iga dambeeyo haduu islaamo ay cid tolkiisa ah ayna ka hareenin hada ayaana nii soo diraa" useyd wuxuu soo diray sacad bin mucaad markuu u tagay wuxuu ogaaday inuu useyd ayaga raacay, ascad bin zuraara ayuu ku jeestay wuxuu ku dhahay: aniga qaraabada iga kaa dhaxeeso maahee maanta igama dalbeen midkaan ma guryaheena ayaa noo keenee waxaa naceeno. Muscab ayaa dhahay "bal fariiso oo maqal waxaa wadno hadaa ku qanacdo waa aqbalaysaa hadaa nacdana waa kaa tageenaa" sacad ayaa ogolaaday, muscab ayaa u bandhigay diinta wuxuuna ku dul aqriyay quraanka, qalbigiisa ayaa Alla ku hanuunshay islaamka, wuxuu dhahay maxaa sameeyaa saa diinta u soo galo, waxey dhaheen qubeyso oo dahaaro qaado ka dib ashahaadada qir sidii ayuu yeelay [4]

Tolkiisa banii cabdi ashahl ayuu u tagay wuxuu ku dhahay: "Aniga sidee dhexdiina ku ahay?" waxey ugu jawaabeen "sayidkeena tahay, kan noogu talo fiican baa tahay" wuxuu ku dhahay: "hadaba hadalkiina xaaraan buu iga yahay ilaa aa ka islaamtaan" walaahi galabtii lama gaarin way wada islaameen[5], sacad iyo useyd ayaa u istaagay duminta sanbyada ree banii cabdi ashahl, gurigii sacad ayaa noqday xurunta cusub ee dacwada[6].

Remove ads

Hijrada ka dib

hijrada ka dib wuxuu ku soo dhaweeyay rasuulka scw madiina wuxuuna kala qeyb galay dagaalada, mawaaqif dhowr ah oo geesinimadiisa muujineesa ayuu lahaa, sida dagaalkii badar nabiga scw Markuu ka talo dalbay wuxuu dhahay: ku soco rasuulka Allow waxaa doonto anaga waa kula jirnaa xitaa bada hadaa gasho waa kula galeenaa qofna naga hari maayo waxaa xaqiiq ah inuu Alla naga kaa tuso waxaa ku faraxdo, ku soco barakada Alla[7].

markii gaalada ay go'doomiyeen muslimiinta ku dhawaad bil oo culeys badan soo food saaray muslimiinta wuxuu ku fakaray Nebiga scw inuu la galo hishiis oona siiyo 1/3 timirta madiina, sacad bin mucaad iyo sacad bin cubaada ayuu kala tashaday, Sacad RC wuu diiday seef waxaa ahayn inuu ku wajaho gaalada wuxuuna dhahay waxey doonaan ha sameeyaan.

Banii qureyda markii go'doonka ku dheeraaday oo quus dareemeen waxey ku dageen xukunka sacad bin mucaad oo xiligii jaahiliga saaxiibo ahaan jireen [8]. Wuxuu wariyay abuu saciid khudri RCRasuulka scw ayaa u wacay sacad wuxuu yimid asigoo fuula dameer, markuu u soo dhawaaday masjidka, ayuu nabiga scw ku dhahay ansaarta u istaaga sayidkiina, wuxuu dhahay kuwaan waxey ku soo dageen xukunkaaga wuxuu dhahay waa la dilaa dagaalyahanadood caruurtaadana waa la qafaalanaa wuxuu dhahay waxaa ku fulisay xukunka Allah [9]

Dhimashadiisa

Dagaalkii khandaq waxaa soo gaaray sacad dhaawac waran oo halboolaha ka gooyay[10], waxaa lagu celiyay madiina teendho uu nabiga scw ka dhisay masjidka agtiisa ayaa la dhigay si dadka u booqdaan [11], Nabiga scw ayaa gubay gacantiisa dhaawicii wuu is qabsaday [12], sacad wuxuu ku duceestay inuu ilaahay dilin ilaa uu ka arko masiirka yahuuda banii qureyda ee buriyeen balankii ay la galeen rasuulka scw, ilaahayna wuu ka qabalay oo asaga ayaaba xukmiyay sida laga yeelaayo banii qureyda. Ka dib gacantii ayaa furantay dhiig, markuu arkay Nebiga scw xaaladiisa wuu ka murugooday garkiisa ayuu qabtay wuuna qoor dhaafsaday ilaa uu ka dhinto, Nabiga scw iyo saxaabada ayaa ku tukadeen waxaa loo qaaday oo lagu aasay qabuuraha baqiic[13].

Dhimashad sacad waxey ahayd sandii 5aad ee hijriga bil ka dib dagaalkii axzaab [14]

Remove ads

Fadligiisa

waxaa janaasadiisa ka qaybgalay todobaatan kun oo Malak oo sii galbinaysa maydkiisa siina sagootinaysa, waxaa kale oo geeridiisa awgeed gariiray ama gilgilmay carshiga Raxmaanka, waxaan ruuxdiisa loo furay Samooyinka[15].

Wuxuu yiri rasuulka scw mar loo soo hadiyadeeyay maro qurux badan oo saxaabada la yaabeen “istiraashada sacad ee Janada aa ka qurxoon midkaan[16] Ilaahay raali haka ahaado saxaabiga Sacad ibnu Mucaad.

Remove ads

Xigasho

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads