Tedros Adhanom Ghebreyesus
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Tedros Adhanom Ghebreyesus ( Af Ge'ez :ቴዎድሮስ አድሓኖም ገብረኢየሱስ; dhashay 3 maarso 1965)[1][1] waa nin Itoobiyaan ah oo siyaasi iyo aqoonyahan oo Agaasime Guud ka ahaa Ururka Caafimaadka Aduunka ilaa sanadkii 2017. Wuxuu horey uuga soo shaqeeyay Dowlada itoobiya isaga oo ah Wasiirka Caafimaadka 2005 ilaa 2012[2] iyo sidoo kale Wasiirka Arimaha Dibada intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2016.

Tedros wuxuu ku biiray Wasaaradda Caafimaadka 1986, ka dib markii uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Asmara[3] . waxaa loo aqoonsaday Cilmi baare caalami ah ee cudurka malaariyada, intii uu ahaa Wasiirka Caafimaadka , Tedros waxaa lagu amaaney dhowr istiraatiiji ah oo cusub iyo isbadallo caafimaad oo guud ahaan si weyn u wanaajiyey helitaanka adeegyada caafimaadka iyo natiijooyinka muhiimka ah[4]. waxaa ka mid ahaa shaqaaleynta iyo tababar ku dhawaad 40,000 oo ka mid ah howlwadeenada caafimaadka haweenka, goynta dhimashada dhallaanka halkii 1,000 ee dhasshto oo 123 dhimanaayeen 2006dii ilaa 88 sanadkii 2011, iyo kordhinta shaqaaleysiinta kaadhadhka caafimaadka oo ay ku jiraan dhakhaatiirta caafimaadka iyo umulisooyinka[5]. Bishii Juulaay 2009, waxaa labo sano loo doortay Gudoomiyaha Gudiga Sanduuqa Caalamiga ee lagula dagaallamo eedhiska, qaaxada iyo malaariyada[6].
Remove ads
Taariikh nololeedkiisa
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads